|

FRUD oo siideysay askar ay hore uga qabatay Jabuuti

December 22, 2022 (QJ) – Sida ay baahisay Warbaahinta AFP, waxa Dawlada Jabuuti lagu wareejiyay lix askerteeda ka mid ah oo ay Jabhada FRUD hore u gacanta ugu dhigtay.

Siideynta waxa gacan ka geysatay isal markaana xaqiijisay dawlada Itoobiya.

FRUD ayaa AFP u sheegtay in aanay rabin in uu sii daba dheeraado welwelka qoysaska askarta maxaabiista ah, isla markaana aanay rabin in ay xabsiga dhigaan muwaadiniin reer Jabuuti ah,

sidaas darteedna ay go’aansadeen in askartaas ay ku wareejiyaan dowladda deriska ah ee Ethiopia.

Jebhada FRUD oo taageero baahsan ka heysata Qowmiyada Canfarta ayaa dagaal kula jirtay dawlada Jabuuti tan iyo sanadii 1991kii.

Comments are closed