Francois Hollande oo gaaray dalka Maali oo ay howlgalo ciidamdiisu ka wadaan
Tumbuktu Feb 02 2013 (SDN)– Madaxweynaha dalka Faransiiska ayaa booqasho ku tagay dalka Mali halkaasi oo ay Ciidamadiisu kawadaan howlgal soconaya wax aan ka badneyn muddo 3-isbuuc ah.
Francois Hollande Madaxweynaha Faransiiska ayaa lagu soo dhaweeyay Magaalada Taariikhiga ah ee Tumbuktu lixmaalin kaddib markii ay ciidamada Faransiiska iyo kuwa Mali ay qabsadeen.
Waxa uu u mahad celiyay Ciidamada Faransiiska guusha ay ka soo hooyeen howlgalka Mali waxaan uu ku baaqay in howlgalka ay hada la wareegaana Ciidamada Africanta ah.
Taniyo markii la afganbiyay dowladdii Maalii sanadkii hore bilawgiisii ayaa waxaa qeybaha waqooyi gacanta ku hayay kooxo Islaamiyiin ah oo gacan saar la leh Ururka Al Qaacida kuwaasi oo ku dhawaaqay dal Madaxbanaan oo Al Sawaad lagu Magaabay inkasoo uusan aqoonsi helin.