France oo Soomaaliya ka cafisay $145.6 million
Nairobi December 02, 2024 (QJ) – Munaasabad kooban oo maanta ka dhacday xarunta safaaradda Faransiiska ee magaalada Nairobi ayaa heshiiska lagu soo gabagabeeyay deymaha lagu leeyahay dowladda Soomaaliya waxaa si wadajir ah u saxiixay safiirka Faransiiska u fadhiya Kenya iyo Soomaaliya Mudane Arnaud Suquet iyo wasiirka maaliyadda dowladda federaalka Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige. Sidoo kale waxaa kulanka goobjoog ka ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Mudane Jabriil Ibraahim Cabdulle.
Heshiiskan ayaa daba socday wada xaajoodyo badan, waana sii socoshada go’aankii ay gaareen horaantii sanadkan wadamada ku jira ururka Paris Club. Maanta ayaa si rasmi ah loo xaqiijiyay in dowladda Soomaaliya laga cafiyay deyn dhan 145.6 milyan oo dollar, taasi oo laga saaray deyntii lagu lahaa dalka Faransiiska.
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa si gaar ah ugu mahad celiyay dowladda iyo shacabka Faransiiska sida ay u fahamsan yihiin una garab taagan yihiin dowladda Soomaaliya, islamarkaana ay ka cafiyeen deymaha lagu leeyahay.
Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ugu jirta sidii loo dhameystiri lahaa deymaha lagu leeyahay oo lasoo gaba gabeeyay dhamaadka sanadka 2023. Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo hogaamineysa wada xaajoodyada dalka ka socda ee wadamada deymaha bixiya rajo wanaagsan laga qabo in la dhameystiro hannaanka lagu ciribtirayo dhammaan deymaha lagu leeyahay Soomaaliya.