|

France: Koox Budhcad-badeed Soomaali ah oo Maxkamaddayntoodu bilaabantay

Paris 22, May 2012 (Qurbejoog.com/ET)- Koox Soomaali ah oo looga shakisan yahay Budhcad-badeednimo, ayaa Salaasadii maanta Maxkamaddayntoodu ka bilaabtay caasimadda dalka Faransiiska ee Paris.

Siday ku warantay jariidada The Epoch Times, kooxdan oo lix nin la kooban waxa lagu eedeeyay inay afduubeen doon kuwa raaxaysiga ah sannadkii 2008.

Nimankan oo da’doodu u dhexayso 25 ilaa 50 jir, waxay ku eedaysan yihiin qabsashada doonta Le Ponanta iyo 30 shaqaalaheeda ah, xilli ay maraysay Gacanka Cadmeed.

Warku wuxuu intaa ku daray, in askar Faransiis ahi ay diyaarado Helicopters ah ku qabteen nimankaas Budhcad-badeednimada loo haysto.

Mid keliya oo ka mid ah nimanka Budhcad-badeeda loo malaynayo, ayaa qirtay inuu ahaa Budhcad-badeed, halka ay laba kalena sheegeen inay markabka u fuuleen, si ay isugu dayaan sidii ay uga iibin lahaayeen Riyo, Sigaar iyo Jaad.

Saddexda kale, waxay dafireen inay Cagba saareen doontaas, siday ku warantay wakaalada wararka Faransiiska ee AFP.

Qurbejoog.com, Paris

Comments are closed