|

Fowziyo Xaaji oo sheegtay in aysan heyn Cadeyn ku aadan in Iraan ay taageero hub siiso Xarakada Al Shabaab ee Soomaaliya

New York Feb 15 2013 (SDN)— Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Xiriirka Caalamiga ah ee dowladda Soomaaliya Marwo Foowziyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa sheegtay in aysan ka war heyn meel ay dowladda Iran ku taageertay Xarakada Al Shabaab ee dagaalka kala soo horjeeda dowladda Xasan Sheekh Maxamuud. 

Foowziyo Yuusuf Xaaji Aadan oo la hadleysay Laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa waxa ay carabka ku dhufatay in aysan ka warheyna islamarkaana aysan sheegi karin arrimaha la xiriira taageerada Xukuumadda Tehran ay siiso Xarkada Shabaab. 

Wasiirada ay hoosta ka xariiqday in ay in aysan heyn cadeymo ku aadan taageero Iran ay siiso Xarkada Al  Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya. 

Dhawaan ayay aheyd markii warbixin ay soo saartay kooxda la socodka xayiraadaha saaran Soomaaliya iyo Eritrea ay sheegeenin Shabakada fadhigoodu yahay Iran iyo Yemen ay hub ku taageeraan Al Shabaabka Soomaaliya kaasi oo laga soo dajiyo dhulka xasiloon ee Somaliland iyo Puntland.

Iran ayaa shalay beenisay in ay tageerto Al Shabaab islamarkaana hub laga soo diray dalkeeda la soo gaarsiiyo Soomaaliya.

SDN-Muqdisho

Comments are closed