Fowsiyo Yuusuf Xaaji: Waan ka xunahay weerarkii Faransiisku ka geystay Buulo Mareer
Muqdisho Jan 13 2013 (SDN)- Wasaarada Arimaha Dibadda ee Dalkeena Soomaaliya ayaa waxaa ay wax laga xumaado ku tilmaamay Weerarkii Ciidamada Komaandooska faransiiska ay ka geysteen gudaha dalkeena Soomaaliya.
Wasiirada Wasaarada arimaha Dibadda Fowsiya Xaaji Aadan ayaa waxa ay sheegtay xili ay la hadlaysay Saxaafada in ay tahay mid ay aad uga xun yihiin Weerarkii fashilmay ee faransiisku ay ka geysteenSomalia.
“Waxaa geeriyooday Dad shacab ah iyo labadii dhinac ee Buulo mareer ku dagaalamay waana wax aan aad uga xun nahay ” ayay tiri Wasiiradu.
Fowsiya Xaaji Aadan ayaa sheegaysa in ay tacsi ugu dambeyntii ay u direyso Dadkii Shacabka ahaa ee Weerarkaasi ku geeriyooday eheladii ay ka geeriyoodeen, iyadoona dhinaca kale Dowladda Faransiisku uga tacsiyaysay Askartii Weerarkaasi kaga Geeriyootay.
Habeen ka hor ayay ahayd Markii Kumaandooska faransiisku uu Weerar Fashilmay kusoo qaadaySomalia. Kaasi oo ay ku doonayeen inay ku badbaadiyaan nolosha Denis Allex oo Gacanta Shabaab kujira.
SDN-Muqdisho