|

Fool-xumooyin Damiirku Diiday Oo Taliye Shaqalle iyo Wasiir Cukuse Ka Sameeyeen Madaxweyne Siilaanyo Hortiisa Madashii Shalay

Hargeysa:June,17,2014(SDN/QJ)-Madashii Shalay uu Madaxweyne Siilaanyo Qasrigiisa iskugu Yeedhay Golayaasha Kala Duwan ee Qaranka, Madaxda Axsaabta Dalka iyo Masuuliyiinta Qaabilsan Ammaanka Dalkay, ayaa waxa Hadheeyey Dhacdooyin ay  Madaxweynaha Hortiisa kaga dhaqmeen Xubno ka mid ah HoggaankaXukuumada Madaxweyne Siilaanyo.

ashqaq Kulankan oo saxaafadda Loogu Yeedhay xilli dambe oo dadka Intiisa Badani shaqooyinkii ay Hayeen ka rawaxeen, ayaa saxaafaddu  la kulantay Tiro dhacdooyin ah ceeb ku ahaa Kulkankaas lagu muujinayey Qaranimada iyo isku duubnida shacabka reer Somaliland.

Dhacdooyinka Halkaas ka dhacay intii ay saxaafaddu goob-joogga ahayd, ayaa waxa ugu horraysay mid  uu Taliyaha Ciidanka qaranku General Ismaaciil Shaqalle Kula kacay Guddoomiyaha  Cisbiga Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe,kuwaas oo Madaxweynaha Hortiisa isku aflegaadeeyey.

Saxaafadda ayaa ku war heshay Dagaalka Gacan-ka-hadalka Gaadhay ee u dhexeeya Guddoomiye Faysal iyo Taliye Shaqalle, waxana markiibba  Dhexdhexaadnimo Galay Tiro ka mid ah  Xubnaha Madaxtooyada ku xidhan  ama Masuuliyiinta ka ah oo ay ugu horreeyeen Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada Maxamed Muuse Cawaale, kaas oo ku kala Guntaday Labada Masuul.

Indhaha Saxafiyiintii Goobtaas Joogay, ayaa arkay Taliyaha Ciidanka oo Laad Jilibka kaga Dhuftay  Guddoomiye Faysal Cali waraabe, iyadoo markii horena Afka labada Masuul iska Yidhaadheen wixii ay doonaan.

Intii laga maqlay Dagaalka labada Masuul dhex maray, ayaa waxa laga Xusi karaa inuu Guddoomiye Faysal sheeganeyey inuu cay iyo aflegaaddo u geystay Taliyuhu, ila-markaana uu Caayey Hooyadii, taasina aanay wax la aqbali karo ahayn.

Guddoomiye Faysal Cali waraabe ayaa Xilligaas Afku duulay si weyn u  cadhaysnaa, waxana uu diyaar u ahaa inuu Dagaal noocii uu doonaba ah la galo taliyaha, balse taas raggii ag joogay baa ka diiday.

Waxa sida rasmiga ah labada Masuul iskugu qabsadeen saxaafadda madaxa Bannaani si dhab ah umay maqlaynin, waxase Jira warar kala duwan oo ka  soo Baxaya isku dhacan, kaas oo ah inuu Faysal Cali waraabe Taliyaha ku Canaantay Hannaanka Ciidanka qaranka ee Gobolada Bariga loogu Diiddan yahay inay Si Rasmi ah isku difaacaan, taas oo uu Taliyuhuna si weyn uga  Gubtay.

 

Dhinaca Kale Waxa isaguna Madaxweynaha Hortiisa ka sameeyey Ceeb kale oo Markhaati laga wada ahaa Wasiirka Cukuse oo isagu inta  Badan darjiidhka Xilliga Madaxweynaha la ag joogo caan ku ah.

Wasiir Cukuse ayaa markii Masuuliyiintu Hadalladoodu dhamaysteen ku kacay Tallaabo xad-gudub ahayd oo uu ku cabudhinayo saxaafaddii madaxa Bannaanayd ee Halkaas joogtay, waxana uu si rasmi ah u Gudo galay shaqo aanu lahayn oo Hawlihiisa ka Baxsan.

Wasiirku waxa uu diiday Su’aalo Xubin ka tirsan wariyayaashii Halkaas joogay isku dayey inuu Waydiiyo Masuuliyiintii Madasha iskugu timi, taas oo la xidhiidhay sababta keentay inay kulamo noocan oo kale ah Qabsadaan.

Wasiirka Warfaafinta ayaa  ku dhawaaqay inaan cidina su’aal waydiin Karin, madasha, isagoo waliba Wariyahaas si anshaxa Ka baxsan ugu qayliyey, isagoo ku dhawaaqaya ma waxad doonaysaa inaad qaranka Dumiso?

Wariyihii Laga Hor istaagay Su’aashaas uu xaqa u lahaa ayaa isagu isku dayey inuu Wasiirka ku Qanciyo inuu su’aashaas xaq u leeyahay, balse Haddii uu Diidan yahay uu Goobta uga Bixi doono, taas oo markii dambe lagu dhameeyey Hab dhexdhexaad ah  isla-markaana Xubno ka mid ahaa Golaha wasiirradu ay qadafkii wasiirka raalligelin ka Bixiyeen.

Dhacdooyinkaas oo qaar badan oo kale oo ka qarsoonaa Saxaafadda, ayaa ka dhacayey Madaxweynaha Hortiisa, iyadoo waliba ay Hawlaha Noocaan oo kale ah ay masuuliyintiisu ku kaceen maalin  la muujinayey isku duubni iyo wada jir ka dhex jira Bulshada Somaliland, waxana la arkayey Wajiga Madaxweynaha oo aanay Farxadi ka muuqanin xilliga dhacdooyinkani dhacayeen.

Xubno ka mid ah Golaha wasiirrada iyo saraakiisha kale ee xukuumadda ayaa ay caado u  tahay inay faraha la galaan Fadqalalo iyo carqalado ka dhan ah Isku duubnida bulshada, isla-markaana inta Badan Abuura xaalad keeni karta in madaxweynaha lagu shaambadeeyo nin urursaday Dad aan lahayn Aqoon ay dadka ku hoggaamiyaan.

SDN/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed