|

Firdhiye oo u hanjebay Itoobiya

Laascaanood March 07, 2024 (QJ) -Hogaamiyaha maamulka Khaatumo State of Somalia Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye ayaa ka hadlay walaaca laga qabo wararka sheegaya in ciidamo Ethiopian ah la geynayo gobolada maamulkaasi.

Firdhiye ayaa muujiyay sida uu uga soo horjeedo tallaabadan ay qaaday dowladda Itoobiya, isagoo caddeeyay inaysan aqbaleyn in faragelin lagu sameeyo arrimaha gudaha ee maamulka SSC-Khaatumo.

Mar uu kumanaan dadweyne ah kula hadlayay magaalada Laascaanood ayuu ka digay colaado ka dhalan kara haddii ciidamada Itoobiya la keeno deegaannadooda.

Wuxuu ku nuux-nuux saday mas’uuliyadda ka saaran dadka deegaanka iyo sida ay diyaarka ugu yihiin in ay iska caabiyaan cid kasta oo ku xadgudubta madax-banaanida gobolada SSC-Khaatumo.

Sidoo kale, wuxuu fariin u diray dowladda federaalka, isagoo ugu baaqay inay qaataan mawqif ay ku taageerayaan midnimada Soomaaliyeed sida ay muujiyeen shacabka SSC.

Firdhiye ayaa sidoo kale ku nuux nuuxsaday in loo baahan yahay in dowladda dhexe ay ka qeyb qaadato sidii dalka looga difaaci lahaa cid kasta oo wax u dhimeysa midnimada qaranka.

Ugu danbayntii waxa uu ku amray ciidamada deegaanka in ay feejignaadaan una diyaar garoobaan sidii ay uga difaaci lahaayeen dhulkooda cid kasta ha ahaato Somaliland ama cid kale toona.

Comments are closed