|

Fiqi oo u jawaabay Farmaajo iyo Shariif

Muqdisho March 24, 2024 (QJ) -Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya Axmed Maxamed Fiqi ayaa sheegay in aysan jirin shaqsi ama koox awood u leh in ay is hor istaagto wax ka bedelka dastuurka Soomaaliya.
Wasiir Fiqi ayaa ku nuux-nuux saday in dowladdu aysan maaweelin doonin siyaasiyiinta ka hor imaanya in dastuurka si sharciga waafaqsa wax looga bedelo, isagoo caddeeyay in aysan jirin gobol Soomaaliyeed oo ka maqan wax ka bedelka dastuurka.
Axmed Macalin Fiqi oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in maalmaha soo socda uu baarlamaanka u codeyn doono wax ka bedelka afarta qodob ee lagu muransan yahay, isagoo caddeeyay in baarlamaanka ay ka go’an tahay waajibaadkooda dastuuriga ah.
Muranka ka taagan dastuurka Soomaaliya ayaa hadda maraya meel xasaasi ah, iyadoo qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ay isku dayayaan inay hal dhinac wax ka bedelaan dastuurka dalka, iyagoo digniin u diray dowladda.
Madaxweynayaashii hore ee dalka Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa hormuud u ah ololaha ka dhan ah isku dayga lagu doonayo in wax ka bedel lagu sameeyo dastuurka.

Comments are closed