Finland Oo Maxkamad Soo Taagtay Shakhsiyaad Dhaqaale Shabaab Siiyeen Lagu Eedaynayo
Helisinki:Sep,18,2014(SDN/QJ)-Xeer ilaaliyaha Guud ee Dalka Finland, ayaa ku dhawaaqay inay bilaabeen dacwada dad lagu eedaynayo inay dhaqaale siiyeen Kooxda ka dagaallanta Somalia ee Al-shabaab, taas oo loo haysto shakhsiyaad kooban.
Dadkan oo tiradooda lagu sheegay afar ruux ayaa lagu eedeeyay in ay ururiyeen kumanaan lacagta Yuuraha ah ayna ku taageereen ururka Alshabaab oo dagaal kula jira dawladda Somalia iyo dawlado kale oo deris ahba.
Inkastoo lacagtan aanay ka badneyn 100-200 euro ayaa loo xawilay ururka Alshabaab, waxana uu sheegay xeer ilaaliyaha qaranka dalka Finland Juha-Mikko Hämäläinen. “Xilliga lacagtan la direy qoriga wax lagu dilo waxa uu qiimihiisu ka ahaa dalka Soomaaliya 140 American dollar halka bam gacmeedkana uu joogay 25 dollars iyo baasuuka oo 150 dollar qiimihiisu ahaa,”
Sidoo kale mid ka mid ah dadka loo haysto dambigan ayaa lagu eedeeyay in uu walaalkii ku qasbay in uu kamid noqdo ururka Alshabaab uuna qorsheynayay in uu ka afduubto dalka Finland carruur da’adoodu u dhexeyso 15–17 sano jir ah uuna doonayay in uu geeyo xarun lagu tababaro dadka argagaxisada ah ee gudaha dalka Soomaaliya.
Carruurtan ayaa la doonayay in loo sheego in ay dalxiis u aadayaan dalka Kenya kadibna baabuur loogaga qaado Kenya lana geeyo gudaha dalka Soomalaya si ay tababaro ciidan u qaataan.
Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in qorshahan uu guuldareystey maadaama loo waayay dhaqaale ku filan oo carruurta lagu geeyo dalka Kenya. Qorshahan fashilmay ayaa la sheegay in la doonayay in la fuliyo intii u dhexeysay bishii January 2008 illaa iyo March 2011.
Dadka la soo taagay maxkamada ayaa diiday dhammaan eedeymaha loo soo jeediyay, iyagoo sheegay in qaadhaanka ay ururiyeen uu ahaa mid gargaar bani’aadanimo oo kaliya loogu talogalay sida ay daabacday Helsinki Times.
Guud ahaan tirada dadka la soo eedeeyay ayaa tiradooda lagu sheegay in ay gaadhayeen lix ruux, balse xafiiska xeer ilaalinta dalka Finland ayaa markii dambe go’aan ku gaadhay in dambiga lagu soo oogo labo kamid ah lixda ruux oo da’adooda lagu sheegay 28 sano jir iyo 31 sano jir. Dhagaysiga maxkamada ayaa bilaaban doonto horaanta bisha Oktoobar iyadoo socon doonta illaa iyo badhtamaha bisha November 2014. Haddii lagu helo dambiga dadkan lagu soo eedeeyay ayaa waxa ay mudan karaan xabsi gaadhaya siddeed sano.
SDN/QJ