|

“Feysal iyo Xisbiga UCID Intaasoo Goor Baynu Ka Hiilinnay, Way Gaadhay Markii Aynu U Hiilin Lahayn, Codka Xisbul Xaakim Lagu Noqdaana Waa Gobolka Maroodijeex.” Muj.Cali Guray

London 12.May 2014 (SDN/QJ)-  Guddoomiye kux-igeenka saddexaad ee Xisbiga UCID Mujaahid Cali Yuusuf Axmed(Cali Guray) ayaa ka dareen celiyay Musharaxnimada uu ku dhawaaqay Muuse Biixi Cabdi.isla markaana  tilmaamay in doorkan la gaadhay Markii Xisiga UCID uu dalka ka noqon lahaa Xisbi Xaakim,kaasoo uu sheegay in marar badan laga eexday isla markaana imika loo baahan yahay in loo hiiliyo

 

cali-gureyCali-Gurey oo ka hadlayay Munaasibad ballaadhan oo xisbiga UCID laantiisa UK ku qaabileen hoggaanka sare ee UCID oo beryahanba socdaalo ku marayay waddamo qaarada Yurub ka tiran oo Ingiriisku ka mid yahay.

 

“Geella Xoolahan la yidhaahdaa haraadka waa xayawaanka ugu adkaysiga badan waa loo kal tiriyaa jiilaalkii, isagoo soddon qaday marka berrito in la arooriyo la doonayo, caawoo kale ayay ceelalyadu baxdaa, intaan waaguba beryin ayaa darka loo sii xidhaa, dabadeedna ceel afar shub ah baa loogu daadegaa oo raggu siduu u kala adag yahay ayuu gunta hoose ee ceelka u kala galaa, ninka ugu adag baa gunta ka soo dara, ka sare ayuu u soo dhuraa, darkaa loo sii buuxiyaa dabadeed. Intaa ka dib yaryarkii daba-dhoonnada ahaayoo Ooda kasoo qaaday ayuu Geellii oo oomani soo hor boodaa. Intuu hormo xumaysto ayaa darkii illaa xalay laga shaqaynayay ee loo sii xidhay ay jeeniga ku dhufataayoo wey af-gembidaa , dabeedna way daataan biyihii. Markay biyihii daataan baa ninkii gunta ku jiray heesaa oo  wuxuu yidhaahdaa

 

‘derbi cago-weyn,

 

darka loo xidho,

 

deysan-meysee,

 

weyska dumisaa’.

 

Sidaa ayuu yidhi Muj. Cali-Gurey, waxaanu intaa ku daray isaga oo sharraxaya dulucda hees-hawleedkaas waraabka ee uu soo qaatay oo si farshaxan siyaasadaysan uu ugu masaynayo Xisbul-xaakimka dalka iyo asxaabtiisii uu ku hadhsan KULMIYE “Saaxiibadaydii  KULMIYE ee iyagoo buuxa aan ka tegey ee ila yaabanaa, waxaan qabaa in shacbiga Somaliland u hiiliyeen oo ay la dedaaleen, waxaan qabaa in loo buuxiyey oo darka loo xidhay, balse maanta markaan xaalkooda eego shacbigii  iyo dadkii KULMIYE aadka ugu mintidsanaa wuxuu noqday uun xaalkoodu derbi cago-weyn, waayo goror kuma jiro darkii loo xidhay, isbeddel bay ku baaqeen dadku ee haddii maanta sidii loogu hiilayay kaga baxeen ee ay dadka u sheegeen inay keeni doonaan wax ka wanaagsan  wixii markaa UDUB lagaga cabanayay, marna loogama fadhiyin inay ka darayaal noqdaan, waanan sheegay anigu waqtigii Kaambaynkii doorashada madaxtooyada anigoo Ceerigaabo jooga, waxaan idhi halkaa aan ka imi waxa ka soo socda iyo dadkaa shicibka ah ee daacada ah ee is leh  hadday reernimo tahay u hiiliya [KULMIYE]  hadday SNM-nimo tahay nimankan baa SNM ahe u hiiliya, waan sheegay.”

 

“Anigoo qofkii labaad ee KULMIYE noqda ah kamaan tageen meeshaas oo aan shan iyo labaatan Sanno Axmed Siilaanyo  garabkiisa ahaa, hadduu waran  uu Axmed Siilaanyo wax ku dilo lahaa, aniga ayuu ahaa, nin SNM ahina igu qabsan maayo, hadduu gaashaan uu warmaha iskaga dhigo lahaana anigaa ahaa, cimrigayga badhkii anigoo shan iyo labaatan sanno ku soo ag qaatay kamaan  dhaqaaqeen hadh cad haddaanan sii diraasayn marka KULMIYE helo doorashada sida uu noqonayo”.

 

Dhinaca kale mar uu ka hadlayay Musharraxnimada Muuse Biixi Cabdi waxa uu yidhi Cali-gurey “Muuse Biixi In Guddoomiyenimada loo daayaa talo KULMIYE mey ahayn, guddi uu Saleebaan Gaal hoggaaminayo ayaa ka talisay oo guddi reer Ah, maanta Muuse bixii waxaa la leeyahay maxaad haysaa?, KULMIYE Xoog iyo Xinniinyoba dhigtaye Eesh-cindak?, Guddoomiyahan lagaa dhigtay kuma filna reerka!!!.

 

Go’aanka aan anigu hayaana waxa weeye  inaanay sheekadii hore shaqaynayn [Giib-noom-taani], haddii uu jiro nin cod reer kusoo baxayoow, reerkaaga codkiisa dee ku soo bax, laakiin inaad cod  dad kale kusoo baxday haddana aad reer gaara tahay dee taasi caddaalad maaha”. Ayuu hadalkiisa ku ladhay.

 

“Xisbiga UCID la yidhaahdaa waxa uu dadka kale dheer yahay waa Faysal Cali Waraabe, waa guddoomiyaha keliya ee isagoo xilka haya musharaxnimada ka tanaasulay, guddoomiye kale oo ka tanaasulay iyo mid kale oo ka tanaasuli doonaa ma jiro. Axmed-Siilaanyo inuu Musharraxnimada ka tanaasuli doono loogama filayo. Codkan wax lagu helaana 40% halka laga helo waa gobolka Maroodi-jeex, cidda qudha ee aan caawa halkan farriinta uga dirayaana waa reer Mardoodi-jeex, waxaan leeyahay Feysal iyo Xisbiga UCID intaas oo goor baynu ka hiilinay, way gaadhay markii aynu u hiilin lahayn, codka xisbul xaakim lagu noqdaana waa gobolka Maroodijeex”.

 

London SDN/QJ.

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed