|

Feysal Cali Waraabe waa siyaasi geesi ah

Warbaahinta Soomaalidu baryahan waxey aad u hadal-hayeen oo qoloba sidey doonto u dhigesay, kulan la sheegay inuu magaalada Birmingham ku dhexmaray siyaasiga Feysal Cali Waraabe iyo Madaxda dowladda federalka ah.

Waxaan daawaday TV-yo, waxaan dhageystay Radiyayaal, sidoo kale waxaan akhriyay warbixino kala duwan oo laga qoray sheekadaasi.

Bal malee, waxa ay kula tahay in laga dhaxli karro warbaahin aan haba yaraatee hadaf ay hiigsataa jirrin, mabda’a iyo qayim ay ilaalisaana la’hayn, koley waa isugu mid bey ila tahay wadajirka iyo kala taga mujtamaca Soomaaliyeed.

Sida ka muuqata Warbixinnadda laga qoray qadiyadan , waxaa dhammaantood iiga muuqda in Feysal Cali Waraabe laga dhigay dambiile maalin cad xaramkii gubay, ama nin galay ugu yaraan khiyaano qaran.

Waxaa iga yaabiyay sababta dhammaan saxaafadda Soomaalidu ay hal dhinac uga wada arkeen sheekadan, oo sida aad ka fahmi karto dhammaantood aan dhihi karo waxaay ku hadlayeen Af aanan la garaneynin qoladda uu u daneynayo; Waxaase hubaal in aney daryeleyn kana shaqeynin nabadda iyo xasilooni kuwada noolaanshaha shacbiga Somaliland iyo Soomaaliya .

Hadaan si kale u dhigo hadalkeyga,waxaa laga yaabaa in ay ugu wacan tahay faham yarida inaga haysata adeegsiga warbaahinta, waayo waxaan hor iyo horaanba laga firsan raadka ay ku reebeyso mustaqbalka dhow ama fog iyo ujeedada laga leeyahay intaba. Oo hadafka kaliya aan ka dhigno wax maalintaa kaliya lagu sheekeysto.

Dabcan xaq beey u leeyihiin wariyayaashu inay soo bandhigaan sheekada jirta iyo sida ay u arkaan, laakin waxaa lagama maarmaan ah in uu jiro hadaf ama ujeedo aad higsaneyso adigoo mar walbaa ka fogaanaayo waxa kala geynaaya shacbiga islamarkaana ku dadaalaaya waxa shacbiga soomaaliyeed isku keenaaya, taasna waxaa ay ku xeran tahay hadba sida uu wariyuhu u fahmo sheekada inta uusan daabicin, oo ka caawineysa inuu hello nuxurka sheekada si uu wax macno leh ugu bandhigo bulshadiisa.

Hal dhacdo ayaa toban wariye midba sida uu u fahmo u tabiyaa, waxaana lagu qiimeeyaa sida wariye walba uu sheeko macno leh ugala soo dhexbaxo dhacdada laga hadlayo,oo ku xiran aqoontiisa, waayo aragnimadiisa iyo caqligiisa, waana qasab in wariyahu si kasta oo uu u madax banaanyahay runtanna u sheego ay go’aamadiisa saameyn ku yeeshaan hadba siyaasada hay’adda warbaahineed ee uu u shaqeeyo.

Ma isleedahay akhristow dhinac kale baa jirra? Oo hadii warbaahintu xirfad wanaag muujin lahaayeen xiiso u yeeli lahaa sheekadan kulanka Birmingham. Bal maxaa u diiday wariyayasha Soomaalidu inay dhan wanaagsan ka eegaan kulanki Feysal uu la yeeshay madaxda dowlada Federalka ah.

Bal kawaran hadii aad aragto Warbaahin qoreysa “Feysal Cali Waraabe oo dumiyay gidaarkii siyaasadeed ee u dhaxeeyay Somaliya iyo Somaliland.

Feysal waa geesi aan horay Soomaalidu u hellin. Waa siyaasi layimid talaabo aan horay Soomaalida loogu aqoon, waa halyeey ku dhiiraday inuu shakiga iyo cabsida ka saaro siyaasiyiinta Soomaalida.

Hadaba intaas oo dhan waa xaqiiq jirta oo aan la qarin Karin, amaanteedana waxaa iska leh Feysal Cali Waraabe, oo 22 sanno kadib baal cusub oo siyaasadeed u furay guud ahaan Soomaalida.

Feysal waxaa uu sheegay in uu salaan kaliya ugu tagay Madaxweyne Xasan Shiikh iyo wasiirkiisa arimaha dibbadda. Haddaba adigu isweydii maxaad ku tilmaami lahayd warbaahinta dambi ka dhigay Madax Soomaaliyeed oo isa salaantay ? Koley waxaan dhihi lahaa waxaynaan fahmin danta laga leeyahay warbaahinta iyo sida loo adeegsado.

Waxaan oran kara majiro siyaasi Somaliland ka soo jeeda oo ku dhiiran kari lahaa talaabada uu qaaday Feysal Cali Waraabe. Ma’aha inaan leeyahay waxaa uu halis ku yahay qadiyada gooni isu taaga Somaliland oo bishan May u dabaal dageysa 22 guuradii ka soo wareegtay, marki ay ku dhawaaqeen inay ka go’day Jamhuuriyaddii Soomaaliya, ee waxaan dhihi karaa waa isku soo dhawaasho is faham bulsho oo cusub.

Runtii Feysal waa hogaamiye xisbi mucaarid ah, kama mid aha xisbiga talada haya, xaq buuna xisbi ahaan u leeyahay inuu qaado talaabo siyaasadeed oo isku soo dhaweyn karta Soomaaliya iyo Somaliland.

Aduunyada lama arag xisbi muxaafid ah iyo xisbi mucaarid ah oo isku siyaasad iyo hadaf qura leh, aad beyna xukuumadda Somaliland ugu qaldaneyn in ay Feysal ula hadlaan sidi nin xisbiga kulmiye ka mid ah.

Xisbiga UCID ee uu hogaamiye Feysal Cali Waraabe waxaa laga yaaba in uu taageerayaal badan ku kasbado talaabada uu Feysal qaaday oo ah mid mar hore looga baahnaa xukuumadihi Somaliland soo maray, si qadiyadooda gooni iskutaaga ay ugala hadlaan walaalahooda Soomaaliya iyada oo aan cidina ukala tarjumeyn.

Marka dhinac leyska dhigo Siyaasadda waxaa hubaal ah in mujtamaca labadda dhinnac isku socdaan oo uusan jirin xeyn-daab udhaxeeya. Laakin waxa cusubi waxa weeye in ay tahay marki ugu horeeysay oo siyaasiyiin labada dhinac ah ay si madaxbanaan isku salaamaan una sheekeystaan iyaga oo aanan siyaasad ka hadleynin.

Waa fursad cusub oo uu ku amaananyahay Feysal Cali Waraabe, waxaanan dhihi lahaa siyaasiyiinta Muqdisho iyo Hargeysa wixi maanta ka dambeeya iska ilaawa shakigii iyo waswaaski aad horay idinku gacantiina ugu abuurteen. Kana faa’ideysta dhabaha cusub ee uu idiin jeexay geesiga Feysal Cali Waraabe.

Hadaad sheekeysataan oo aad muujisaan meel walba inaad kuwada hadli kartaan, waxaa hubaal ah in ay sahlanaan doonto in qolo walbaa hesho wixi ay dooneysay, kuna qanciso qolada kale, Laakin haddii shaki iyo cabsi siyaasadeed ay sii jirto lama gaaraayo in la daryeelo ama laga shaqeeyo danaha labadda shacab Soomaliya iyo Soomaaliland.
BY AYAANLE H ALI

Comments are closed