|

Feedhyahankii ugu Caansanaa Adduunka Maxamed Cali Kalaay oo ku geeriyooday dalka Mareykanka

ali kalaay

Washington,4,6,2016, (QJ/SDN) – Feedhyahankii ugu Cansanaa Caalamka oo dhan, Maxamed Cali Kalaay ayaa xalay ku Geeriyooday Cisbitaal ku yaalla Magaalada Phoenix ee Gobolka Arizona ee dalka Mareykanka.

Maxamed Kalaay, ayaa Khamiistii lasoo dhaafay la dhigay Cisbitaalka uu ku dhintay, isagoo xanuun ka haleelay dhinaca neefsashada, isagoo muddo 30-sano ah qabay cudurka jareyska ama Lalleemada.

Sidoo kale, Maxamed Kalaay ayaa Wuxuu ku dhashay Magaalada Louisville ee Gobolka Kentucy sannadkii 1942, Wuxuuna Diinta Islaamka qaatay Sannadkii 1964-tii. Iyadoo ay da’diisu ahayd 74-jir.

Feedhyahankan Muslimka ah ayaa wuxuu saddex jeer ku guuleystay Abaal-marinada Feedhka Culus ee Caalamka, isagoo Abaal-marintii ugu Horreysay la Siiyay Sannadkii 1964-kii oo ahayd markii uu Islaamka qaatay.

Ugu dambeyntii, Allaha u raxmadee Maxamed Cali Kalaay ayaa wuxuu  ka mid ahaa cayaar-yahannada Caalamka ugu Caansan ee Muslimiinta ah, Wuxuuna Dhawr jeer ku guuleystay Feedh Caalami ah.

Comments are closed