|

Faysal Cali Warabe Muxuu ka yiri hadalkii Faroole ee ahaa isku biirida Somaliland iyo Puntland (Dhageyso)

Hargeysa Feb 03 2013 (SDN)— Faysal Cali Warabe, hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID   ayaa waxa uu ka hadlay war dhawaan ka soo yeeray Hogaamiyaha Maamulka Puntland oo ahaa in ay jiraan wadahadal u dhaxeeya Labada maamul islamarkaana hadii ay go’aan sadaan ay isla go’ayaan hadii kalese ay Soomaaliya kuwada biirayaan.

Hoggaamiyaha  xisbiga UCID ayaa ugu horeyn si kulul uga jawaab arinkaasi waxana uu sheegay C/raxmaan Faroole gobolada uu ka taliyo ay ka tirsan yihiin Soomaaliya islamarkaana aysan jirin wax uu xilaga ugula soo cararo Somaliland.

Faysal Cali Waraabe ayaa tilmaamay in Faroole aanu matali karin Somaliland hadii uu doonayo in Soomaaliya uu ka go’ana ay isaga u banaantahay balse uusan xilgan xag-xagan Somaliland oo uu tilmaamay in ay tahay wadan gaaar u taagan.

Waxa uu sheegay in maamul goboleedyo ku dhisan qabiil uusan waxba soo kordhin doonin waxana uu ku tilmaamay Puntland in ay tahay maamul u  dhisan qabiil gooni ah oo uusan ka talin gobolo kale oo qabiilkaasi ka baxsan.

Faysal Cali Waraabe ayaa carabka ku dhuftay in wada shaqeynta kaliya ee ka dhaxeyn kartaa Somaliland iyo Puntland ay tahay arrimaha Xuduudaha maadaama ay daris yihiin waxana uu sheegay in xiriirkaasi xiriir la mid ah uu kala dhaxeeyo Kilinka Shanaad ee Ethiopia.

Sidookale waxa uu tilmaamay in ay waajibtahay in laga wada shaqeeyo la dagaalanka Argagixisada oo uu xusay in walaalnimada iyo darisnimada ay keeneyso taasina aysan aheyn in labada dhinac uu wax kadhaxeeyo.

Halkan Ka Dhegyso Hadalka Feysal Cali Waraabe

Comments are closed