Faysal Cali Waraabe:Walaahi oo Bilaahi In aanu Siilaanyo Aaminsaneyn in SNM Siyaad Bare ka Guuleysaneyso,aanuna aaminsaneyn in Somaliland la ictiraafayo
Hargeysa Oct 07,2013(SDN)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe yaa wareysi uu siiyay TVga Universal waxa auu si ba’an ugu weerarya hogaanka madaxweyne Axmed Siilaanyo oo uu ku tilmaamay mid Qabyaalada ku ururutay.
Guddoomiye Faysal ayaa sheegay in Madaxweyne Axmed Siilaanyo talada dalka uu ku wareejiyay reerkiisa isla markaana ay awoodii dalka ku takrifaleen.
“Wasaaradaha dalka dhismeyaal baa ka socda,bal orodoo wasaarada hawlaha guud soo weydii cida dhiseysa,ma garanayaan”ayuu yiri Guddoomiye Faysal Cali Xuseen.
Guddoomiyuhu waxa uu daaha ka rogay in madaxweyne Axmed Siilaanyo aanu aaminsaneyn SNM iyo Somaliland toona.
“Walaahi iyo bilaahiba in aanu Siilaanyo aaminsaneyn in SNM ay dawladii Siyaad Bare ka guuleysan kareysay,waxa uu qabay in dawladaaa lala gorgortamo,iminkana reer Somaliland ha maqleene walaahi in aanu aaminsaneyn Siilaanyo in Somaliland la ictiraafayo ee shantaa sanadood ayuu doonayaa in uu kursiga isaga fadhiyo”ayuu Guddoomiye Faysal sheegay.
Mar uu Guddoomiyuhu ka waramayay aqoonsiga Somaliland waxa uu sheegay in madaxweyne Siilaanyo xiligii uu mucaaridka ahaa aanu dooneyn in Somaliland la siiyo lacago iyo aqoonsi toona.
“Waxaan hayaa waraaqihii uu Axmed Siilaanyo Caalamka u qori jiray ee uu ku dalban jiray in aan Somaliland lacagna la siin Aqoonsina aan la siin”sida hadalka uu u ku yiri Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.
Si kastaba ha ahaatee wareysigan ayaa ah kii u kululaa ee uu bixiyo Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID mudooyinkii u danbeeyay.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com