|

Faysal Cali Waraabe:Qurbaha sadexdii qof ee reer Somaliland ah ee meel wada taagan labaa UCID-da

Hargeysa Oct 21,2012(SDN)-Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Fysal Cali Waraabe iyo musharaxa xilka madaxweyne ee xisbigaasi Jamaal Cali Xuseen ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay duleedka magaalada Hargeysa.

Masuuliyiinta UCID ayaa dalka dibedda uga maqnaa mudo bil ah oo ay ku soo mareen dalal reer Yurub.

Hadaba masuuliyiintan oo la hadlay kumanaan dad ah ayaa waxa ay uga xog warameen taageereyaasha safarkooda.

Musharaxa madaxtinimada ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa hadal uu halkaa ka jeediyay waxa ka mid ahaa;”Runtii aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay inaan aniga iyo guddoomiyuhu (Faysal) ku soo noqono Caasimadii Somaliland ee Hargeysa annaga oo ka soo degnay Magaalada Berbera kumaa-kunka taageere ee halkan joogana runtii aad iyo aad ayaan idinku mahadinaynaa sida milgaha iyo sharafta leh ee aad noo soo dhaweyseen aad iyo aadna waan idinku mahadnaqaynaa.

Waa xili bacad ah,laakin waxaan idiin sheegaynaa inuu Xisbigii UCID meel wanaagsan marayo oo waxaanu qurbaha kala soo kulanay yididiilo aad iyo aad u wanaagsan iyo taageero laxaad leh oo aad ka daawateen telefiishanada xafladihii ay noo sameeyeen taageerayaasha Xisbiga iyo jaaliyadaha Somaliland ee qurbaha ku dhaqan.

Imika waxaynu eegi doona sidii aynu u gudda-geli lahayn tartanka doorashada Golaha deegaanka ee fooda inagu soo haya oo ololihii ayaa bilaabmaya, taageerayaasha waxa laga filaya qof waliba inuu tan dul dhigo, rajadeenuna aad ayey u sareysa laakin is-dhigan mayno oo waxa la inooga baahan yahay dedaal”. ayaa ka mid ahaa hadaladii Jamaal Cali Xuseen.

Sidoo kale waxa isna halkaa hadal kooban ka jeediyay Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Xuseen,hadaladiisiina waxaa ka mid ahaa;”Waxaan halkan ka tacsiyadeynayaa Alle ha u naxariiste Marxuum Cabdilaahi Siciid Dheere oo ka mid ahaa raggii Xisbiga UCID nala asaasay oo xoog iyo xoolaba geliyey oo markii danbe galay Urur kale (Waddani) marxuumkaasi hore ayaanu isku saamaxnay ILAAHAY-na waxaan uga baryayaa inuu marxuumkaasi inuu naxariistii jano ka waraabiyo, eheladii, qoyskii iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland samir iyo iimaan ka siiyo.

Dibada ayaanu bilk u maqnayn, waxaanu u maqnayn arrimo qaran iyo kuwo xisbi-ba labadii-ba guul ayaanu ka soo gaadhnay waa ILAAHAY mahadii. Waddamadii aanu tagnay waxaan u soo sheegnay halka ay Somaliland mareyso iyo inaan gooni isku-taageedu ku jirin in laga wada hadlo wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ee laga wada hadli doono sidii aynu si wanaagsan u kala bixi lahayn, oo aan u noqon lahayn laba dawladood oo walaala jaara  oo wax is-tari lahayn u noqon lahayn inay wada hadalada gun dhig u noqon lahayd.

In loo baahan yahay in Somaliland laga caawiyo dhinaca dhaqaalaha, nabadgelyada, xagga dimuqraadiyadda waanu ka dhisnay,laakin waxay maanta Somaliland u baahan tahay in dhaqaalaha si toosa loo siiyo oo xafiisyo laga furto oo ay adduunka la xidhiidhaan waanu ka soo raa-ridnay oo waanu ku guuleysanay.

Qurbaha sadexdii qof ee reer Somaliland ah ee meel wada taagan labaa UCID-da,waanu u soo sheegnay sababta aanu u sharaxnay Jamaal Cali Xuseen, micnaheeduna tahay in Xisbigu soo baxo?..waxaynu geli doona doorashada golaha deegaanka 28 Novernber 2012, waxa jira qodobo aanu doonayno inaan si toos ah dawlada kala hadalno qodobadaas oo ay u weyn yihiin laba qodob midna yahay qodobka 6-aad oo ah dadkii codka aloo tirinayey oo aan laka garanayn waxay ku soo kala baxayaan ayaanu leenahay, taasi meesha ma qabato codku waa cod oo la isma-dheera  oo waa in tiro lagu kala baxaa sheekooyinkan kale wax soconaya maaha ma noqon karto inay isku mid noqdaan 40,000 (Afartanka kun) ee magaalo iyo 7,000 (Todobada Kun) ee magaalo kale, inay isku qiimo noqdaan oo taasi wax caqli gasha noqon mayso iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo aan xal ahayn oo meesha  xaaran ku fadhiya labadaa arrimood ayaan doonayaa inaan toos kala hadalno dawlada wixii ka soo baxa ayey doorashadu ku xidhnaanaysa oo shir ayaanu isugu iman doona”ayuu hadalkiisa Guddoomiyuhu ku soo gunaanaday.

Comments are closed