Faysal Cali Waraabe:Muuse biixi ma leh raganimo uu saxaafada ugu sheego mowqifkiisa ku wejahan dooda labada xil ee ee uu guddoomiyaha wakiiladu isku hayo
London Oct 02,2012(SDN)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa ka jawaabay hadal dhawaan ka soo yeedhay guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo uu uga waramay dooda ku xeeran xilalka wadaaga ah ee uu hayo Guddoomiyaha gollaga Wakiilada ee isla markaana ah Gudoomiyaha xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Ciro.
Muuse Biixi ayaa dhawaan wareysi uu siiyay Horncable waxa uu ku sheegay in dooda ka taagan xilalka uu wadajirka uu u hayo Cirro ay salka ku hayaan khilaaf hore u dhex maray xisbiga UCID.
Guddoomiyaha Kulmiye ayaa intaa raaciyay in uu qabo in arintaa maxkamadaha lagu xaliyo.
Gudoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe oo dhawaan wareysi siiyay Waagacusub ayaa sheegay in mar ay Muuse Biixi arintan ka wada hadleen uu u sheegay in uu qabo in aaney aheyn in Cabdiraxmaan Cirro isku heysto labada xil.
“Muuse Biixi ma laha raganimo uu ku shaaciyo mawqifkiisa dhabta ah eeĀ uu ka qabo labada xil ee uu Cirro isku heysto.kolkuu ila joogo waxa uu sheegaa in arrinkaasi khalad yahay”ayuu yiri Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe.
SDN-London
contact@somalidaiasporanews.com