|

Faysal Cali Waraabe:“KULMIYE Wuxuu Keenay In Xeerkii Doorashooyinka Uu Ku Beddelo Xeer La Yidhaahdo Xeer Shirqool 14aad La Isku Tollay”

HargeysaOct 29,2012 (SDN/Hubaal) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa xisbiga talada Haya ee KULMIYE  ku eedeeyey in uu dalka u horseeday burbur sharci iyo dastuur jebin, kadib markii sida uu sheegay uu khasab ku furay  ururada siyaasadda oo aan waqtigoodii la joogin.

Faysal Cali Waraabe oo shalay khudbad ka jeediyey Furitaanka Shirka golaha dhexe ee Xisbiga UCID, waxa uu sheegay in Xukuumaddu Xeerkii Doorashadda ee Xeer Lr. 14 ay ku bedeshay wax uu ugu yeedhay Shirqool, hase yeeshee uu mar kasta ka guddoomiye ahaan ku dedaalo in xisbiga uu hoggaamiyaa aanu dantiisa gaarka ah eegan balse uu danta guud ka horeysiiyo. “Doorashooyinkii uu soo galay xisbigu, dantiisa waxa uu ka horeysiin jiray danta Qaranka, taasina waxay keentay in xisbigu wax badan u seego dadkuna nagu colaadsado, waxaanu nimid dalkeena oo ay ka socoto siyaasada ah ku jiqsii, ka ciidee, ku xumee, laakiin waxaanu ku bedalnay siyaasadaasi u dul-qaado, ka celli, ka difaac, adkaysta iyo isjeclaada ayaanu ku bedalnay.” Ayuu yidhi guddoomiyuhu, waxanun intaa k daray “Maanta waxa tallada haya xisbiga KULMIYE, xisbiga UCID-na abaal kamuu helin, xitaa waad Mahadsan tahayna oo lanama odhanin, xisbiga KULMIYE waxa uu ku kacay inuu dastuurkii burburiyo oo arrin dhammaatay oo ahayd inaan ururo/axsaab la furin inuu khasab ku furay oo uu jabiyey dastuurkii, dhibaatadeediina maanta ayay taagan tahay”

Guddoomiyuhu waxa uu eedo u jeediyay Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo “Wuxuu keenay inuu xeerkii doorashooyinka bedalo uu sameeyo xeer la yidhaahdo xeerka shirqoolka 14-aad oo la isku tollay, wuxuu keenay inay meesha ka baxdo shaqadii Guurtida iyo Wakiiladu oo wixiiba isku noqdaan xisbiga Kaliya oo mucaaradkii meesha ka baxo. Xisbiga UCID dhibaato weyn ayaa la soo gaadhsiiyay, dawlado waaweyn ayaa ka qayb-galay oo fan ayaa lagu bixiyay in xisbiga UCID saaxada siyaasada laga saaro, markhaatina waad ka ahaydeen”.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed