Faysal Cali Waraabe:Haatuf Waa Jariirad Beeleed oo xagxagta siyaasiyiinta reeraha kale,waxaana haga qoraaladiisa Balwad(DHEGEYSO)
Hargeysa July 04,2012(SDN)-Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Md Faysal Cali Waraabe oo shir jaraaid maanta ku qabtay xarunta xisbiga UCID ee Hargeysa ayaa ka war bixiyay arrimo ay ka mid yihiin wadahadaladii Somaliland iyo hadalo deel qaaf ku ahaa saxaafada oo laga qoray.
Guddoomiyaha UCID ayaa sheegay in wadahadaladii Somaliland iyo Soomaaliya in ay guul ku soo dhamaadeen isla markaana la sii anba qadi doono.
Guddoomiyaha UCID Md Faysal Cali Waraabe ayaa si adag uga hadal qoraal ay dhawaan daabacday jariirada Haatuf oo lagu sheegay in UCID 1.5 million ka qaadatay Jamaal Cali Xuseen oo lagu wado in uu xisbigaa ku biiro.
Guddoomiye Faysal Cali Waraabe Waxa uu sheegay in Yusuf Cabdi Gaboobe uu Haatuf u sameystay in suxuufiyiinta beelaha kale uu ku weeraro,halka kuwa ay isku beesha yihiina”Hadii ay dunida rogaan aanay waxba ka qorin”.
Md Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in wargeyska Haatuf oo dad qaad cunaa ay hawshiisa wadaan uu maxkamad la tiigsan doono.
HALKAN GUJI SI AAD UGA BOGATO HADALKA GUDOOMIYE FAYSAL CALI WARAABE
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com