Faysal Cali Waraabe: Haddii lays canaanayo waa inaan warbaahinta la isu marine Madaxweynuhu laba talaabo ayuu idiin jiraaye haloo tago
Hargeysa, 18, April 2012 (SDN)- Guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaafarriin qaylo dhaan ah ka soo diray dalka Imaaraadka Carabta, waxaanu baaq u diray shacabka, dawladda iyo siyaasiyiinta.
Faysal Cali Waraabe, oo isagoo jooga magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, xalay khadka telefoonka kula soo xidhiidhay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu sheegay inay isaga iyo shacabka qurbaha joogaaba ka xunyihiin wararkii u dambeeyay ee Somaliland ka soo baxay gaar ahaan hadalada warbaahinta la isu adeegsanayo. “Intii ka dambaysay shirkii London, waxa la rabay in loo diyaar garoobo sidii aynu Somaliya u kala bixi lahayn, waxase aad moodaa inaan loo jeedin ee la isku keen diray oo dhawaaqyo aan loo baahnayni ka soo baxayaan wadankii, waxaanay waxaasi keenayaan wadamadii ina jeclaa ee inaynu aqoonsi helno doonayay inay niyad jabaan. Markaas waxaan leeyahay waa inay dawladu mudakarnimo la timaado, shacbiguna waa inay is adkeeyaan oo wax la xeeriyaa, mana aha in qof waliba wixii uu doono ku hadlo oo laga jeedsado ilaalintii qaranimada.” Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe, waxaanu intaas ku daray, “Waxaan ugu baaqayaa ina arrimahan dhacay gacanta lagu qabto, waa warar uu cadowgu jecelyahay inuu maqlo, shacabka Somaliland ee dibadda joogaana way warwarsanyihin.”
Faysal Cali Waraabe, wuxuu soo jeediyay in haddii la is canaanayo si hoose wax la isugu sheego oo aan warbaahinta la isu fuulin, “Xataa haddii lays canaanayo waa inaan warbaahinta la iska canaanan ee madaxweynuhu laba talaabo ayuu idiin jiraaye inta loo tago si mudakarnimo leh farta looga saaro wixii uu ku khaldanyahay, mana ah in la isu adeegsado, warbaahinta, saxaafaddana waxaanu leenahay wax kasta ha qorina, qof ay caadifadi qaatay ha ka qorina wax kasta oo uu yidhaahdo.”
Hadaladan Faysal, oo u muuqdo kuwo waano ah ayaa waxay ku soo beegmayaan iyadoo ay siyaasiyiinta Somaliland warbaahinta isu marinayaan hadalo xajiin leh.
Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa farriin qaylo dhaan ah ka soo diray dalka Imaaraadka Carabta, waxaanu baaq u diray shacabka, dawladda iyo siyaasiyiinta.
Faysal Cali Waraabe, oo isagoo jooga magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, caawa khadka telefoonka kula soo xidhiidhay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu sheegay inay isaga iyo shacabka qurbaha joogaaba ka xunyihiin wararkii u dambeeyay ee Somaliland ka soo baxay gaar ahaan hadalada warbaahinta la isu adeegsanayo. “Intii ka dambaysay shirkii London, waxa la rabay in loo diyaar garoobo sidii aynu Somaliya u kala bixi lahayn, waxase aad moodaa inaan loo jeedin ee la isku keen diray oo dhawaaqyo aan loo baahnayni ka soo baxayaan wadankii, waxaanay waxaasi keenayaan wadamadii ina jeclaa ee inaynu aqoonsi helno doonayay inay niyad jabaan. Markaas waxaan leeyahay waa inay dawladu mudakarnimo la timaado, shacbiguna waa inay is adkeeyaan oo wax la xeeriyaa, mana aha in qof waliba wixii uu doono ku hadlo oo laga jeedsado ilaalintii qaranimada.” Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe, waxaanu intaas ku daray, “Waxaan ugu baaqayaa ina arrimahan dhacay gacanta lagu qabto, waa warar uu cadowgu jecelyahay inuu maqlo, shacabka Somaliland ee dibadda joogaana way warwarsanyihin.”
Faysal Cali Waraabe, wuxuu soo jeediyay in haddii la is canaanayo si hoose wax la isugu sheego oo aan warbaahinta la isu fuulin, “Xataa haddii lays canaanayo waa inaan warbaahinta la iska canaanan ee madaxweynuhu laba talaabo ayuu idiin jiraaye inta loo tago si mudakarnimo leh farta looga saaro wixii uu ku khaldanyahay, mana ah in la isu adeegsado, warbaahinta, saxaafaddana waxaanu leenahay wax kasta ha qorina, qof ay caadifadi qaatay ha ka qorina wax kasta oo uu yidhaahdo.”
Hadaladan Faysal, oo u muuqdo kuwo waano ah ayaa waxay ku soo beegmayaan iyadoo ay siyaasiyiinta Somaliland warbaahinta isu marinayaan hadalo xajiin leh.
SDN.
Source Geeska