|

Fataahado 8 ruux ku laayay Baladweyne

Baladweyne November 15, 2023 (QJ) -Ugu yaraan 8 qof ayaa ku dhintay ka dib kolkii webiga Shabeele uu ku fatahay magaalada Baladweyne 24-kii saac ee la soo dhaafay, sida ay sheegeen maamulka degmada.
Duqa magaalada Baladweyne Nadar Tabaax Maalin ayaa sheegay in labadii maalmood ee la soo dhaafay ay fatahaada wabiga Shabeelle ay geysteen khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Maayar Nadar waxa uu xusay inay socdaan gurmadyo, iyadoo dawladda hoose iyo hay’adaha kaleba ay ku hawlan yihiin sidii loogu gurman lahaa dadka ay fatahaaduhu saameeyeen. Waxa uu xusay in fatahaaddaasi ay saameyn xooggan ku yeelatay nolosha dadka deegaanka, isla markaana ay dhibaato u geysatay ceelashii biyaha iyo dhul beereed, isla markaana ay hakad gashay nolol maalmeedka dadka.

Maamulka degmeda ayaa ku baaqaya in taageero dadka la soogaaraan hay’adaha samafalka si ay gargaar degdeg ah u gaarsiiyaan dadka ay dhibaatadu saameysey. Daadadku waa caqabad ku soo noqnoqonaysa gobolka, waxaana loo baahan yahay in la isku dayo in la sameeyo xalal mustaqbalka fog ah si loo yareeyo saameynta ay musiibooyinka dabiiciga ah ku yeelanayaan bulshada.

Comments are closed