|

Fashilka Muuse Biixi oo warqad uu soo qoray dhex mariyay Wasaaradda Arimaha Dibadda

Hargeysa. 7 October, 2022. (QJ)- Fadeexado badan ayaa dul hoganaya Madaxtooyada Somaliland kadib Muuse Biixi Cabdi oo warqad aan lasoo tifaftirin isagana kasoo baxday dhex mariyay Wasaaradda Arimaha Dibadda, iyadoo warqaddaa la gaadhsiinayay Beesha Caalamka oo iyadu diiday muddo kordhinta madaxweynaha.

Warqadda ayuu Muuse Biixi ku garnaqsaday iyadoo hore mar walba oo uu umadda la hadlayo uu garnaqsi bilaabo, xili uu yahay madaxii ugu sareeyay qaranka.

Warqadda oo ay baahisay Wasaaradda Arimaha Dibadda Somaliland, waxay dhalisay muran xoogan iyadoo uu beeniyay afhayeenka wasaaraddu, halka war kasoo baxay wasaaradana lagu caydhiyay afhayeenka.

Luuqada lagu qoray warqadda madaxweynaha ka timi ayaa lagu sheegay mid ka aradan sifaha diblomaasiyadda iyadoo haha yaraatee aan la muujin in xukuumad iyo maamul ay ka timi.

Comments are closed