Fashilaada Siyaasadda Dibbeda ee Wasiir Daakhiligu Maradii Ka Fayday
Wasiirka Daakhiliga ee JSL Maxamad Nuur Carraale [Duur] ayaa Jimcihii la soo dhaafay oo uu Wareysi siiyey Warbaahinta qaarkeed ka sheegay arrimo aad iyo aad uga fog diblomaasiyadda oo khatar ku noqonaya amniga iyo xasiloonida dalkani JSL, sidoo kale markhaati fur la raad raaci karo u noqonaya Mas’uulkii Qaramada Midoobay ee warbixinta uu ka diray Somaliland ku sheegay in kooxaha Al-shabaab soo galaan meelo ka mid ah dalkeena, iyagoo gacan ka helaya xubno aanu magacaabin oo ka tirsan Xukuumadda.
Wasiirka Daakhiliga Somaliland Md. Maxamad Nuur Carraale [Duur] waxa isagoo guul siyaasadeed ka dhiganaya cilaaqaadka ay lahaayeen Madaxweynaha Somaaliya uu ku faanay in ay saamayn toos ah ku lahaayeen doorashadiisii, wallow aanay aqoon gaara isu lahay Xasan Sh. Maxamuud “Isma Naqaano Ninkan Madaxweynaha Soomaaliya ah shakhsiyan” ayuu yidhi Wasiir Duur oo Jimcihii ina dhaafay u warramay HCTV, waxana isagoo sii baanaya uu intaa ku daray in Soomaaliya aanay ka maarmayn marka laga hadlayo xoojinta wada hadalladii inoo dhexeeyay “Waxa hubaal ah Soomaaliya inaynu u baahan nahay inaynu xidhiidh la samayno, xukuumadda aan ka tirsanahayna waxay la waday wada hadal, immikana insha allah waa lala sii wadi doonaa , markaa Raad waanu ku lahayn doorashadii , waayo waxa jirta Cid Somaliland u Cadow ah iyo cid wada hadalkii lala sii wadi karo, markaa xidhiidhka aanu la lahayn waxa uu ahaa Xidhiidh war is gaadhsiineed, weliba aniga iyo xubno aan ku jiraa xidhiidh baanu la lahayn waxananu ka taxadiraynay cid wada hadalladii aanu la wadi karaynaa inay soo bixi weydo.”
Haddaba, Madaxweynaha cusub oo ah kii ugu horreeyey ee ku hadlay af marka gees Laga eego ka duwan Madaxweynayaashii Somaaliya soo maray ee isaga ka horeeyay u muuqd in siyaasadiisa ku saabsanaa Somaliland ay tahay mid Diblomaasiyadeed oo ka khatarteeda leh, loona akhriyi karo inuu gudaha Somaliland ka ansixin doono midnimadii Somaaliya sifaha uu doono ha u mare,maadaama uu caddeeyey inaanu xoog Ciidan iyo cadaadis diblomaasiyadeed toona aanu ku keeni doon waxa cad in ay biyo dhaca labadaas hadal ee wasiir Duur iyo Madaxweyne Xasan ay meel ku biyo shubanayaan ah in Xukuumaddani diyaarinayso sifihii shacbigu isagoo jahawareersan ku tegi kahaayeen Xamar.
Taasna Astaamihaheedii ugu horreeyey ee ifafaalayaashan durba waa la arkay, kadib markii dadkii dan yarta ahaa ee ku ganacsan jiray jidadka magaalada Hargeysa ee iyagoo aan meel loo diyaarin maalin cad la mariyey cagaf, oo si bilaa naxariis ah sandaqadihii. teendhooyinkii iyo wixii u hoos yaalayba la burburiyay, ay badankoodii u yaaceen magaalada Muqdisho, si wixii ay ka gaadheen hambada ganacsigooda halkaa uga samaystaan iyadoo Xamarna laga siiyey goobo ay ku ganacsadaan.
Arrinta labaad ee uu ku dhawaaqay Wasiirku ayaa ah iyadoo aanay Somaliland ka jirin Kooxo Al-shabaab ah oo dagaal kula jira Qarankeena uu Mudane Duur u gacan haadiyey, taasoo uu waraysigiisii Jimcihii ku soo qaaday tiraabtan, “Waxanu ugu baaqaynaa xubnihii dhallinyarada ahaa ee fikirkaas qaatay ee dagaalladaas ka qeybgalay ee ka mid ah Kooxda Al-shabaab, in haddii ay ka waantoobayaan oo ay si deggan u joogayaan, waxanu u fidinaynaa CAFIS.”
Haddaba, Akhriste/Muwaadin waxa Is weydiin Mudan Masuuliyadda cid kasta oo xasiloonada heegan u ah ka saaran qalalaasaha xagjirka maadaama oo sida aynu ognahay uu la dagaallanka argagixisadu yahay mid Caalami ah, Kooxaha Al-shabaab ee ka dagaalamaya Somaaliya iyo meelo kalena ay ka mid yihiin meelaha ku shaambadaysan argagaxisada?. Wasiir Duur’se ma yahay masuulkii odhan lahaa waanu cafinay isagoo aan cidna kala tashan, ileen xil qaran buu hayaaye?,
Maxaase Somalialnd uu Saamayn ku yeelan karaa In si dhib yar loogu gacan haadiyo tuke Baal cad oo Caalamku ugaadhsanayo, dawladdo uu Mareykanku u horreeyona ay u kala sameysteen liisas kala duwan oo qaarkood ku suntan yihiin kuwa la daydayayo ee loo haysto Jariimado waaweyn.?.
Su’aalahaas iyo kuwo kale oo badaniba waxa caqliga saliimka ahi ka sugayaa jawaabtooda Md. Duur, labadan Arrimood ee uu ku dhawaaqaynayna haddii la dhuuxo nuxurkooda waxa ay noqonayaan dhaawac xun iyo boog aan la dawayn karin oo ku dhacday siyaasaddii Dibedda ee Somaliland, waayo xataa haddii uu damacsanaa Madaxweynaha cusub ee Somaaliya inuu gacan ka geysto Qadiyadda Madaxbannaanida ee Somaliland, maanta shaag uma rogi karo, HAddii ay jirto wax tallaabo ah oo dhinaca Somaliland u danaynayn lahaana waxa khashifay oo fashiliyey hadalkii uu Wasiirkan Itixaadka ahi ku iclaamiyey in Somaliland saameyn ku lahayd soo bixitaankii Madaxweynaha cusub ee Somaaliya, Taasina waxa ay Garashadayda saboolka ahi isku qancisay inay muujinayso halkay Somaliland Madaxdeeda sare ka taagan yihiin diblomaasiyadda, isla markaana dhianca kale digniin u tahay cid allaale ciddii u soo hanqal taagaysay in si hab diblomaasiyadeed ah wax ugala qabtaan Somaliland dhinaca aqoonsiga.
Ugu dambayn lafa gurka qalinka ee arrimahani waxa ay huwan tahay waa la wada sugi, waana halkii Riwaayadii Caan baxday ee Xaajoba la yaab leh bal aan Qodo xabaalaha, Waqtiguna wuu kala saari Muwaadinka sir maqabaha ah iyo Munaafiqa Siyaasad gaara huwan.
Xasan Xuseen Keefkeef
Hargeysa, Somaliland