Farxad Ka Ilmaysiisay Qoys Dib u Helay Gabadh yar oo 10-Sano Ka Maqnayd
Jakarta:Aug,09,2014(SDN/QJ)-Qoys ku nool dalka Indonisia, ayaa dib u helay Gabadh yar oo ka maqnayd muddo toban sano, kuwaas farxad darteed Oohin la aamusi waayey sida uu qorayWargeyska DailyMail ee ka soo baxa dalka Ingiriisku.
Wargeyska ayaa shaaciyay in gabdhan oo lagu Magacaabo Raudhatul Jannah la waayay sanadii 2004 xilligaas oo duufaantii Tsunami ay ku dhufatay deegaano badan oo ka tirsan dalka Indonosia.
Jamiliah oo ah Hooyada dhashay Gabadhan ayaa sheegtay in iyada iyo Seygeeduba ay ku waasheen raadinta Gabadhan iyo wiil ka weynaa oo ay biyuhu qaadeen.
Jamiliah ayaa xustay in laba bilood ay raadinayeen Carruurtooda oo 4 jir iyo 7 jir kala ahaa laakiin ay ka quusteen oo ay iska dhaadhiciiyeen inaanay nooleyn oo ay Ifka ka huleeleen.
Inkastoo ay sabreen Waalidiintani haddana Gabadhoodu ma geeriyoon oo nin Kaluumeysata ah ayaa badbaadiyay xilli ay ku dhaganeed Jab Alwaax ah oo Mowjado biya ahi ay Tuur tuurayeen.
Ninkan oo ahaa qof naxariis badan ayaa Inanta u geeyay Hooyadiis oo u bixisay Magac cusub oo ah Weni illaa iyo maantana gacanta ku heysay oo uga taxadareysay sida shakhsi ka tirsan carruurteeda kale.
Jamaliah Walaalkeed ayaa bishii June arkay Raudhatul Jannah oo iskool ka soo laabanaysa kuna sii jeeda Guriga ay ku noolyihiin Reerka Korsanaya, wuxuu u cararay walaashiis oo uu siiyay xog ku aadan gabadha yar ee uu abtiga u yahay.
Waalidiinta Gabadha oo kol hore quustay ayaa raacay tilmaanta abtiga, waxaana u suurta gashay inay Garaacaan Guriga ay ku jirtay Gabadhooda kaasi oo ay ku sugnaayeen qoys wada bashaash ah oo ay kala kulmeen marxabeyn iyo farxad kala qaaday Afafkooda.
“Aniga iyo ninkeyguba waan faraxsanahay, waxaana abaal u haynaa Rabbiga Suurta galiyay inaan dib ula bahowno inantayada” ayay tidhi Hooya Jamiliah oo aad u faraxsan.
“Wadnahayga ayaa garaac bilaabay markaan arkay gabadhayda, hab ayaan siiyay iyaduna Xabadka ayay igu duugtay, waxaana raaxo ka dhax dareemay gacmahayga” ayay sii raacisay Hooyadaas oo ilmo ay ka qubanayso.
Si kastoo ay ahaataba arintan ayaa layaab ku noqotay dad badan oo Aaminsanaa in Gabadhani ay ku biirtay dadkii reer Aakhiraadka ahaa ee ku naf waayay Duufaantii Tsunami oo ku dhufatay deegaano badan oo ka tirsan dalka Indonesia.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com