Faroole: Anaga iyo Somaliland waan isla go’aynaa, hadii sidaan ay wax ku sii socdaan
Garoowe Feb 01 2013 (SDN)— C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole oo dhawaan ka soo horjeestay Aqoonsiga Maraykanku uu u fidiyay dowladda Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay isagoo ka hadlayay shir Xibigiisa uga furmay Garoowe in ay socdaan wadahadalo u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland.
Madaxweynaha Puntland ayaa tilmaamay in wadahadalaasi ay meelwacan marayaan islamarkaana Natiijooyinka ka soo baxay ay suurtagal ka dhigi karaan in aysan ka siimid ahaan Soomaaliya.
Faroole oo hadalkiisa laga dheehanayay dhiiranaan iyo hididiilo ku aadan Somaliland oo ay iska soo horjeedi jireen ayaa carabkiisa ku sheegay in Somaliland ay isku raaci doonaan kasiimid ahaanshaha Soomaaliya Ama in ay ka go’aan.
“Qolooyinka (Somaliland) iyagu hada tashaday oo gooni aaday, anaguna malihin kaalaya khasab baanu idinku heysanayaan, Laakiin waxa naga dhaxeeya aan ka heshiino Bal waxa kale waa la isugu imaan doonaayee..Waxbaa naga Dhexeey, Reer Baadiyaha waxay yiraahaan [Oodo dhacameed siday u kala korreeyaan baa loo qaadaa], Anaga (Somaliland iyo Puntland) horta khilaafkeena aan meel dhigno, Marka HADALO way iska soc socdaan, bal aan meel wax isla dhigno….Ama isla go’nay Ama aan heshiinay, Ama Soomaali kuwada biirnay Ama Waa la wada kala tagay.” Ayuu yiri Faroole.
Dhanka kale Faroole ayaa waxa uu ka hadlay dastuurka Soomaaliya, waxaana uu sheegay in aan loo baahneen in ay dowlada isku koobto awooda dastuurka taasina ay sharci daro tahay Waxaana uu barlamaanka Somaliya ugu baaqay in awooda dastuurka si wada siman loo qeybsado.
Majirto cid cadeynkarta wadahadalada uu sheegay Faroole in ay kula jiraan Maamulka Somaliland.