Fariinta uu sido weftiga Beesha Caalamka ee Hargeysa ku sugan
Hargeysa. 7 October, 2022. (QJ)- Wefti ballaadhan oo ka socda Beesh Caalamka ama saaxiibada dibadda ee Somaliland horumarka ka taageera ayaa ku sugan magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, iyagoo u kuur galaya xaaladda qasan ee Somaliland.
Qurbejoog ayaa u kuur gashay Arimaha ay so socdaan weftigu iyadoo aanu xogo ku helnay in ay xukuumadda ku cadaadinayaan in laga noqdo muddo kordhintii Guurtida Somaliland isla markaana la sameeyo hannaan doorashada madaxtooyada ku dhacdo oo la isku waafaqsan yahay.
Beesha Caalamku waxay danaynaysaa in mudada 9 bilood ee Komishanka Doorashooyinku xuseen lagu jaangooyo muddo kordhinta Guurtida.
Muuse Biixi ayaa wajahaya cadaadiskii ugu cuslaa balse uma muuqdo mid dheg jalaq u siinaya marka la eego go’aamada hore ee madaxweynaha iyo sida ay halis ugu ahaayeen jiritaanka Somaliland.