|

Faransiiska oo ku jira Xaalad Feejignaan ah,Shaacana ka qaaday inay ka nadiifinayaan Wadanka Maali falaagada ka dagaalanta .

Hargaysa 19.Jan(SDN) Wasiirka Arimaha Gudaha ee Dalka Faransiiska Mr.Manweel Faaris ayaa Maanta Ku dhawaaqay In Dalkiisu Ku jiro Xaalada Feejignaan,iyadoo Laga Shakisanyahay in Weeraro Argagixiso Dhacaan,taas oo Aargoosi u ah  Dagaalka Ciidamada Faransiisku Ku Sifaynayaan Falaagada Ka Sugan Waqooyiga Maali.

 

Mr.Maanweel Faalis Waxa uu intaasi Raaciyay,in ay Jiri karaan dad Faransiiska Cadow u ah oo Ku sugan Gudaha Dalka iyo Qaar dibada Ku sugan sida Falaagada Mitidiinta ah ee Waqooyiga Dalka Maali Duulaanka Ku qabsaday ay u Maleegi Karaan qaraxyo,Hase yeeshee Midowga Yurub iyo Midow Afrika ayaa si deg deg ah u soo Celinaya Xoriyada Dalka Maali.

Geesta Kale,Wasiirka Arimaha Dibada Mr.Looran Fabiyoos ayaa  Maanta ka qeyb galay Shir ugu Furmay Madaxda Galbeedka Afrika Caasimada Dalka Ivory Coast,oo Lagaga Tashanayo Qorashaha ay Ciidamada ka socda Galbeedka Africa Ku Galayaan Dagaalka lagu qaaday falaagada argagixisada ah ee Gacanta ku Haysa Dhulka Waqooyiga Maali,inkastoo Labadii Cisho ee u dambeeyay ay Ciidamada Faransiiska iyo kuwa Maali ay ka saareen Magaalooyin ay Falaagadu Hore u Haysatay.

Hargaysa SDN.

 


Comments are closed