|

Faransiiska oo Heshiis la Galay Mali & Madaxweyne Holland oo Booqanaya Galbeedka Afrika

Burkino-faso 19.July 2014 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Dalka Faransiiska Fransua Holland ayaa ka degay Magaalada Abidjan, socdaal la aaminsan yahay inuu leeyahay ujeedooyinka dhanka dhaqaalaha ah, iyadoo faransiisku u arko dalka Burkino-faso dalalka ugu muhiimsan ee heshiiska ganacsi la leh ee ku yaalla galbeedka qaaradda madow.
Burkino-fasoSocdaalka Madaxweynaha ee magaalada Abidjan oo muddo saacad ah dib uga dhacay xiligiisii ayaa ah lugtii ugu horaysay safar uu Madaxweynuhu muddo sadex maalmood ah ku mari doono sadex wadan oo afrika ah kuwaas oo kala ah Burkino-faso, Chad iyo Niger.

Booqashada Francua Holland ee Dalka Burkino faso waa tii ugu horaysay ee nooceeda ah ee uu Madaxweyneuhu ku tago dalkaasi isagoo soo dhoweyn balaadhan kala kulmay Madaxweyne Xassan Watra, iyadoo Madaxweyne Holland ay safarkiisa ku wehelinayaan afartameeyo ruux oo caan ah oo uu ka mid yahay ganacsadaha Martin Boing oo ah madaxa shirkadda Boeng.

Dhanka kalena Dalka faransiiska ayaa heshiis iskaashi millateri ah la galay wadanka mali

Radio-ga caalamiga ah ee Afrika One ayaa goor dambe oo khamiistii ah waxa uu baahiyey in heshiiska labada dhinac ay u kala saxiixxeen wasiirka Difaaca ee dalka faransiiska John Lordian iyo dhigiisa dalka Mali.

Mr Lourdian oo heshiiska ka bacdi kula hadlay warbaahinta Magalada Bamako ayaa sheegay in heshiiskani sii kordhinayo iskaashigii millateri eek a dhexeeyey dalalka faransiiska iyo Mali, iyadoo laga duulayo nabadgelyada dhuleed ee wadanka mali iyo guud ahaanba mandaqadda saaxil-ka Afrika. Iyadoo heshiisku dhaqan geli doono marka ay ciidamada faransiisku soo gebagebeeyaan hawlgalka millateri ee ay mudada sideed iyo Tobanka bilood ah  ka wadaan dalka mali.

Burkino-faso SDN/QJ

Comments are closed