Faransiiska Iyo Jarmalka Oo Canshuur Ku Soo Rogaya Wargeysyadda Dalalkooda Ee Wararka Internetka Ku Baahiya Iyo Google Oo U Hanjabtay
Paris Oct 28,2012(SDN/Hubaal)- Dalalka Faransiiska Iyo Jarmalka ayaa khilaaf soo kala dhex galay shirkadda Caalamiga ah ee GOOGLE, ka dib markii dawladaha ay sheegeen in ay cashuur ku soo rogayaan Wargeysyadda dalalkooda ka soo baxa ee haddana Wararkooda ku baahiyey GOOGLE si ay u iibiyaan.
Shirkadda GOOGLE, ayaa iyadduna markii uu soo baxay warkaasi, waxay shirkadda Google ku hanjabtay inay wadda joojin doonaan dhamaan Linkiyada mareegaha dalka Faransiiska taas oo caqabad weyn ku noqon karta ganacsiga Faransiiska iyo Jarmalka.
Dawladaha Faransiiska iyo Jarmalka ayaa qorshahan cashuurta ah keenay ka dib markii ay ogaadeen in wararka Wargeysyadda ama Joornaalada halkaasi ka soo baxa ay warar ku baahiyaan GOOGLE, kuwaasi oo laga iibsado isla-markaana ay ka soo gasho lacag adag.
Wararka iyo war-bixinada hay’addaha kala duwan ee warbaahintu ku baahiyaan barta Google, ayaa adduunyadda meelo badan oo ka mid ah lacag lagu akhristaa (Electronic News), halka meelaha qaarna si bilaash ah loo akhristo.
Isticmaalka aalada casriga ah ee Internet-ka ayaa saamayn dhaqaale ku yeeshay Wargeysyadda adduunka, ka dib markii dadkii iibsan jiray Wargeysyadda ay wararkii ay u baahnaayeen ka heleen Internet-ka iyagga oo guryahooda jooga.
Arintan ayaa keentay in urur ay leeyihiin Wargeysyadda dalka Brazil oo lagu magacaabo ANJ ay iska xidhaan aalada Google, qaybteeda wararka (Google news), si ay uga hor-tagaan dhaqaale burbur soo waajaha wargeysyadooda.
SDN-Paris
contact@somalidiasporanews.com