Fanka Somalidu wuxu ku dhashay, kuna koray magalada Hargeysa , una sii gudbay magalada Muqdisho waxanu ku dhintay Qurbaha
Waxan marka hore halkan ka salaamaya dhamaan akhristyasha maqaaladayda aan ku qoro dhamaan warbaahinta Geeska Afrika. Inta kadib aan idin xasuusiyee maqaalkani wuxu daba socda mid hore oo aan hore u qoray kaasoo haldhiguusu ahaa “ Hooyadii fankaay Hargeysaay ma sidaasa kuu danbaysay”.
Maqaalkaasoo oo aad uga hadlaay dibu dhaca ku dhacay Fankii Hargeysa ay ku caanka ahay iyo sida ay ugu meeraysanayan garaacitaanka (piano) ama qalabka organka loo yaqaano kaaso ay dadka dibadu isticmaalaan duruuf awgood. Waayo isku dhan ma haysan. Nasiib darase kuwii gudu maanta iyana kuwaa daba galeen.
Haddii aan dul istaago mawduuca sideedaba Waqti lagu qiyaasay ila 1940 nadii in ku dhaw ayay ahayd markii ugu horeysay ee uu fanku ka hana qaado manadaqada ay Somalidu ku nooshay. Waqtiga sida la sheegay ciyaar miyi mooyane wax heesa ah ma jirin. Dadka magaaloyinku gabaya uun mooyaane may jirin heeso la dhegaysto oo laxan iyo music leh.
Sida laga soo wariyay Abawaano ay ka mid yihiin Ali Sugule iyo dhinaca isna Koonfurta Somaliya Fananka Ahmed Naji Sacad. Dadku bariga waxay ku heesi jireen heesaha carabiga ah iyo kuwa hindiga ah kuwaaso had iyo jeer laga maqlijiray dadkii ka soo jeeday dalalka oo ganacsi ku haystay bariga gayiga somalida.
Hadaba isla sanadaha aan kor ku soo sheegay waqti u dhaw aya Abwaan Abdilahi Qarsha oo ah Aabaha fanka Somaliga ah wadanka yimi khasataan magaalada Hargeisa, markasu isagu noqday ninkii ugu horeyay ee heesaha somaliga ah u sameeyay laxan iyo music- kaba , isla markaana ka dhigay heeso la dhegaysto sida kuwa kaleba ee dadka kale ee caalamku dhegaystaan.. Waqtiga waxa la sheegay inay rag badan oo ay ka mid ahayeen Abdi silimo, Ismail cagaf, Guduuda carwo iyo qaar kaleba ay ka mid noqdeen kuwii hormoodka ka ahaa kobaca heesaha somaliga.
Sidaan la wada soconaba waxa bilaabmay heesihii loo yaqaanay Qaraamiga oo ah heeso aad laxankooda iyo sida ay u dhacayaanba aad mooda marnaba qaar aan laga xiiso dhacayn sida taarikhihi iyo ilbaxnimadii masaaridi ka tageen oo kale kuwaasoo loo yaqaan Faraaciinta.
Waxa kale ee uu sheegay Fananka Ahmed Naji oo ka mid ahaa fanaanti ugu caansan Koonfurta somaliya mar uu waraysi siiyay warbaahinta inay dhegaysan jireen barigii hore heesaha laga soo daayo Radio Hargeysa ee somaliga ah kadibna ay ku dayan jireen oo ay dib ugu heesi jireen, taasina waxay ku tusaysaysa sida ay hormoodka ugu ahaayeen Kooxda marka ka unkuntay Hargeysa. Waxa halka ka sii anbaqaaday kooxdii loo yaqaan walaala Hargeysa oo aynu garanayno fanka somalida meesha ay gaadhsiiyeen.
Dhinaca kale, sanadkii 1969 markii uu isbadelkii Kacaanka ahaa Somalia ka bilaabmay. Waxa dhacday in la isku daray kooxdii loo yaqaan walaala Hargeysa. Waxana ka mid ahaa faniinta Mohamed Sulaiman, Bahsan, Mohamed Ahmed Kuluc, Xalimo Khalif Magool, Maandeeq, Safi ducale, Ahmed Moge , waxa kale oo soo raacay Musa Ismail Qalinle iyo Khadra Dahir. Halka ay Hargeysa ku hadheen Amina Abdulahi, Zahra Ahmed, koox musiga ah iyo qaar kale oo badan.
kooxdii ka jirtay bariga magaalada Muqdisho, hadii wax ka taabto waxa ka mid ah Ahmed Naji, Salaad Darbi, Fadumo Qasim, Maryan Mursal, Mohamed Jamac Joof, Dalays, Ahmed Ali Cigal, Beer Dilaacshe waxa kaloo soo raacay Hassan Adan Samatar, AbdiNasir Macalin iyo qaar kale oo badan.
Isku darkaa la isku daray kooxaha , waxa loo bixiyay hobalada waaberi. Runtiina barigaa fankuu aad buu u horamaray haday noqoto dhinaca Ruwaayadaha la dhigo iyo heesahaba. Waxa kale oo kuwaa barbar socday kooxa kale oo layidha onkod, xooga dalka, Heegan, Iftin iyo Durdur oo iyaguna dhinacooda fanka ka sii wada.
Sida laga warqabo barnaamujkii heesaha hirgalay ee lagu qabanjiray wuxu ahaa mid dawr wayn ka qaatay sidii loo soo saari lahaa fanaaniin taya fiican leh. Kuwaasoo heesahooda lagu kala saari jiray halka tartan ay rag khibrad leh kala saarayan, waxan la sheegay inay fanaaniintii bariga ka soo baxday ay ahaayeen qaar aad u qiima badan.
Waxa ka mid ahaa kuwa bariga soo baxay Fananiinta ay ka mid yihiin Hassan Adan Samater, Abdinasir Macalin, Cumar Nuur Abdule , Shiiraan Shidaad Muraad, AbdulQadir Bagag iyo qaar kaleba. Haddii aan tusale ka soo qaato heesihii barigaa soo baxay ee lama ilaawaanka ah waxa ka mid ah heesta uu qaado Fanaanka salad darbi ee ah beeni raad male, Baladweyne, maalmaha qalooca oo uu qaado Hassan Adan Samatar, sida jawa geel uu qaado Mohamed Sulaiman, sida canabka beeraha uu qaado Mohamed Ahmed kuluc iyo magool , waan kuu waramaya Musa Ismail Qalinle, Abdaw bari samaadkii Khadra Dahir iyo qaar kale oo badan.
Heesaha aan sheegay oo dhan waxay na tusayan inay barigaa heesaha tayada lihi ay aad u kobceen , isla markaana ay dhananka laxanka, fananka iyo midhuhuba ay ahaayeen qaar ku taabaya. Dawladii Kacaanka ahaydna aad u daryeeli jirtay fananiinta haday noqoto mushaharkood, guryaha, Guriga Murtida iyo madadaalada iyo hoygoodaba. Taasana keentay in sanadkii 1975 ay Fananiinta Somalidu tartankii fanka ee ka dhacay dalka Nigeria ay ka galaan kaalinta kowaad.
La soco qaybta kale……………………..