Fanaanada Xaliimo Gobaad Oo Guursatay Ka Dibna Fankii Ka Toobad Keentay
Stockholm (QJ) – Fanaanada da’da yar ee Xaliimo Gobaad ayaa dhawaan shaacisay in ay fankii isaga baxday, sida ay bogeeda Facebook ku shaacisay.
Fanaanada ayaa goaanka gaartaya ka dib kolkii ay dhawaan Sweden ku aqalgashay.
Bismilah:
Aniga oo ah XALIIMA GOOBAAD MARKAAN ARKAY ADUUNKAAN IN UU YAHAY MAALMO
MARKAAN XASUUSTAY XADIISKII N.M. CaleyHi salaatu wasalaam ee ahaa
Hadii aad galabeysataan Hasugina in uu waaga idiin baryaayo Hadii subaxeysataan hasugina in aad galab gaadhaysaan waxaan go’ansaday in aan iska joojiyo fanka taagerayaasheyda sharafta badan waxaan idiinka rajeynayaa in aad khayrka igu taageertaan Allaah oo Raali iga Noqda ayaa muhiim Ii ah.
Wabillaah towfiiq
Xaliimo Gobaad