Fanaanada Caanka ah ee Madona oo sheegtay in New York lagu dhacay laguna kufsaday
New York Fanaanada Caanka ah ee reer Mareykan Madona ayaa qoraal ay dhawaan daabacday ku sheegtay in magaalada New York lagu dhacay sadex jeer isla markaana lagu kufsaday.
Fanaanada oo 55 jir ah iminka ayaa sidoo kale ka warantay xaaladeeda nololeed ee ay haatan ku sugun tahay.
Maqaalkan oo ay ku daabacday jariirada Bazaar ayaa waxa ay uga warameysaa nololsheeda kolkii ay magaalada Michigan ka soo guurtay ee ay New York u soo guurtay horaantii 70 meeyadii.
Fanaanadu waxa ay sheegtay in ilaa sade goor aqalkeeda loo dhacay oo la boobay,isla markaana mar qori lagu qabtay.
“Ma garanayo waxa ay aqalka ugu jabsadeen labadii jeer ee danbe sababta oo ah wax laga qaataba maaaney oolin,oo Radio aan lahaa markii horey qaateen”ayay Madonna tiri.
Waxa intaa dheeraa oo Fanaanadu markii u horeysay ay ka hadashay xadgudub loo geystay xiligii ay New York u guurtay oo ay 20 jir uun aheyd.
“Iyada oo midi cunaha la iiga hayo ayaa la i geeyay aqal saqafkii ka dibna halkaa la igu kufsaday”ayay tiri Madonna.
Fanaanadu kama aaney hadal cida xiligaa kufsatay waxase ay sheegtay in New York aaney soo dhaweyn.
Fanaanada ayaa qoraalkan ay ku daabacday Bazaar jariirada la yiraahdo waxa kale oo ay uga hadashay guurkeedii burburay iyo noloshii ay kala soo kulantay Britain oo ay 10 sanadood ku nooleed.
SDN-New York
contact@somalidiasporanews.com