|

Falastiiniyiinta oo Ka Dalbaday Midowga Yurub inay Aqoonsi Buuxa Siiyaan!!

Rama-la 12. September 2017 (SDN/QJ):- Maamulka falastiiniyiinta ayaa waxa ay si rasmi ah u weydiisteen Midowga yurub inay aqoonsi buuxa oo dawladnimo siiyaan, si ay taasi xal ugu noqoto qorshaha dhismaha labada dawladood.

Dalabkan ayay maamulka falastiiniyiintu ku gudbiyeen kulanka ay magaalada raama-laah ee daanta galbeed ku leeyihiin gudiga wadajirka ah ee Falastiin iyo Midowga yurub oo sanadkiiba hal kulan yeesha, iyadoo sarkaalka  arimaha dibada u qaabilsan maamulka Falastiin Riyaad al-maaliki oo kulankaa furay uu cambaareeyey siyaasadda gumaysiga ah ee ay Israa’iil sii waddo oo uu ku sifeeyey inay ka soo horjeedo qawaaniinta caalamiga ah.

Gudiga labada dhinac ayaa sidoo kale ka wadahadlay sidii ay falastiiniyiinta iyo Midowga yurub u sii balaadhin lahaayeen iskaashigooda dhinacyada tacliinta, xuquuqul insaanka, baadhitaanka culuunta, ganacsiga, dhaqaalaha, isgaadhsiinta, tamarta, biyaha, ilaalinta deegaanka iyo caafimaadka bulshada.

Comments are closed