Fal Celintii Dhawaqa Dawlada Ingiriiska oo Jawaab Celintiisu noqotay Banaan baxyo ka dhan ah ,Maantana ka dhacay Magaalada Burco.
Hargaysa 01.Feb.(SDN) Dadweynaha ku dhaqan Magaalada Burco ayaa maanta soo bandhigay banaan bax Culus oo ay kaga gilgilanayaan hadalkii ay Wasaarada Arrimaha Dibada ee Ingiriisku ku sheegtay in ay Muwaadiniinteeda kaga dalbanayso inay ka soo baxaan Somaliland iyadoo u Sibir Saaraysa baqe ay ka qabto Khataro Amni oo ku soo fool leh Somaliland .
Dadweynahani oo ku labisnaa Calanka Jamhuuriyada Somaliland Isla markaana Sitay Boodhadh ay ku Xardhan yihiin sida ay uga Xun yihiin in Dawlada Ingiriiska oo Xidhiidh Miisaan leh, la leh Somaliland ay Shaaciso hadal ka hor imanaya sida ay yidhaahdeen Gooni Isu taaga iyo Madax banaaanida Jamhuuriyada Somaliland,Waxaanay Socod Lug ah ku soo mareen Wadooyinka iyo Shaaricyada magaalada Burco iyagoo gabo gabadiina isugu soo biyo Shubtay Fagaaraha Khayriyada ee Magaalada Burco.
Banaan baxayaasha waxaa halkaasi kala hadlay Maamulka Gobolka Togdheer iyo ka Degmada Burco isla markaana la qaybsaday dareenkooda ku waajahan dhawaqa Xukuumada Ingiriiska.
Gudoomiyaha Gudiga Horumarinta Gobolka Togdheer Maxamuud Aadan Dheri ayaa ku dooday in hadalka dawlada Ingiriisku aanu waxba ka qaadi karin Masiirka Ummadani ku go’aansatay dib ula soo noqoshada Xoriyadii ay Isaga (Ingiriiska) ka hanteen 1960,Taas oo aan la Mahadin ayuu yidhi.
Maayarka Magaalada Burco iyo ku Xigeenkiisa ayaa iska daba Maray in Qaranimada Somaliland aanay ahayn wax si fudud ku timid balse ay u soo daateen ayay Yidhaahdeen Xinjiro dhiig ah ,Waxay Maamulka Magaalada Burco fariin u direen Madaxda dalka Somalia oo ay u soo jeediyeen inay ka feejignaadaan Wax kasta oo Xumaynaya Xidhiidhka Darisnimo ee labada Wadan isla markaana dhalin kara ayay Yidhaahdeen Colaad ka dhex ooganta labada Wadan.
Sidoo kale Xubno ka socday Xukuumada Dhexe ayaa Sheegay in Somaliland ay Nabdoon tahay isla markaana ay Amnigeeda gacanta ku hayaan Ciidamada kala duwan ee Qarankani leeyahay ,Iyagoo u soo jeediyay dawlada Ingiriiska inay raalin gelin ka bixiso dhawaqa taabanaya Nabadgalyada ay Ummadani Samaysatay iyadoon Taageero ka helin aduunka intiisa kale .
Hargaysa SDN.