|

Fagaaraha Beerta Xoriyada Hargaysa oo la Sheegay inaan lagu qabanayn Xuska 18 May,Waa Maxay Sababtu?

Hargaysa 17.May (SDN) Fagaaraha Caanka ah ee Beerta Xoriyada ee Magaalada Hargaysa oo lagu qabto Munaasibaadka Qaran ee Waaweyn ayaa loo badinayaa inaan lagu qaban Xuska 18 May ee 22 Guurada dib ula soo noqoshada Madax banaanida Somaliland .

Sida ay Shabakada Qurbejoog.com u xaqiijiyeen Xubno ka mid ah Gudida Heerka qaran ee abaabulka Xuska 18 ka may iyo Gudida Caasimada oo isku dhafan isla markaana ka gaabsaday in Magacooda la shaaciyo ayaa Tilmaamay inaan Xuskan lagu qaban doonin Fagaaraha Beerta Xoriyada,iyadoo taas badalkeeda ay Sheegeen in loo asteeyay In Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo uu Salaanta Ciidamada iyo Khudbadiisa Xuska uu ka jeedin Doono Barxada hore ee Xarunta Madaxtooyada .

Warku waxa uu intaas ku darayaa in Sababta sidaa loo qorsheeyay ay la xidhiidho Cabsi kaga Timaada dhinaca argagixisada oo ay Sahlan tahay inay soo galaan Fagaaraha Beerta Xooriyada ,Inkasta oo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha Ciidanka Booliskuba ay Warbaahinta ka sheegeen in Ciidamada kala duwan ee dalka heegan buuxa (Full Alert) la galiyay si looga taxadiro cadow nabada iyo Jiritaanka Somaliland duulaan ku ah.

Sameecadaha Maqalka Khudbadaha oo Sanadadii hore lagu rakibi jiray Beerta Xoriyada ayaa loo Wareejiyay dhanka Madaxtooyada iyo Wadada halbawlaha ah ee dhex marta Magaalada Hargaysa,si ay dadweynuhu ugala socdaan Khudbadaha Munaasibada ee Madaxda Qaranka,dhanka kale Ma Jiro Wax dhaq dhaqaaq ah oo ka Socda Fagaaraha beerta Xoriyada ee Caasimada oo Xusaskii hore Mudo Dhawr iyo toban Cisho ka hor la sii hagaajin jiray .

Si kastaba ha ahaatee Waa Markii u horaysay ee Xuska 18ka may lagu hor qaban doono Xarunta Madaxtooyada taas oo aanay dadweynuhu arki doonin hogaankooda si ay u dhagaystaan.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed