Fadliga ku Jira Tobanka Cisho ee u danbeeya Bisha Barakaysan ee Ramadaan DAAWO
Hargaysa 13.July 2015 (SDN/QJ)- Waxaa Gebo Gebo ah Bishii Barakaysnayd ee Ramadaan oo aynu ku Jirno ayaamihii u danbeeyay ee Tobanka danbe oo Ilaahay SWT uu adoomihiisa ka xoreeyo naarta,Sidoo kalena uu ku dhex jiro Habeenka Laylatul Qadri oo xambaarsan xasanaad aan la koobi karin.
Sidaa awgeed waxaa looga baahan yahay Ummada Muslimiinta ee Caafimaad qab alle ku gaadhsiiyay bishan inay la yimaadaan Cibaado iyo Digri ka badan intii hore,Waxaa Casharkan inoo Soo Jeedinaya Sheekh C.qani Qardhaawi.