Fadhi ay yeesheen Golaha Deegaanka ee Degmada Gar adag iyo Qodobada ay ka wada hadleen
Hargaysa 03,Jan.(SDN)
Kal fadhigii Maanta ee Golaha Deegaanka ee Degmada Gar adag oo ka tirsan Gobolka Sanaag ayaa lagaga hadlay qodobo door ah oo kala duwan isla markaana la xidhiidha adeegyada Bulshada.
Kalfadhigan oo uu Shir Gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Deegaanka ee Degmada Gar Adag Faarax Aadan Ciise ayaa lagaga hadlay qodobo ay ka mid yihiin Dejinta Xeer hoosaadkii ay ku shaqaynayaan Golaha Deegaanka ee Degmadaas iyo Samaynta Gudi hoosaadyadii Golaha Deegaanka ee degmadaas.
Gudoomiyaha Golaha Deegaanka ee Degmada Gar adag Faarax Aadan Ciise waxa uu sheegay in kal fadhigoodan ay kaga doodeen qodobo ay ka mid yihiin qorshaha Adeega Bulshada sida Caafimaadka,Waxbarashada,Biyaha,Reer Guuraaga,iyo adkaynta nabadgalyada.
Gudoomiyaha oo ka hadlayay dhinaca waxbarashada ayaa sheegay in degmada Gar adag leedahay dugsiyo Hoose,Dhexe iyo Sare ,hasa yeeshee ay u hawl galayaan sidii ay kor ugu soo qaadi lahaayeen adeega caafimaad ee ay bulshadu tabayso.
Gudoomiyaha Degmada Gar adag waxa uu fariin u diray Guud ahaan dadka ku nool jiida degmadaasi oo uu ka dalbaday sidii ay ula shaqayn lahaayeen maamulkooda isla markaana ay meel uga soo wada jeedi lahaayeen wax kasta oo la xidhiidha nabadgalyada.
Gudoomiyuhu waxa uu intaas ku daray inay ka dhabayn doonaan balan qaadadii ay sameeyeen xiligii ololaha doorashada Golayaasha deegaanka ee ay ku hanteen Codka bulshada.
Hargaysa SDN