Fadeexadihii Ugu Cuslaa Oo Dulhoganaya Ciidanka Booliska Somaliland, Taliyihii Saldhiga Dhexe EE Hargeysa Oo Xabsi Guri Loo Diray Iyo Dhacdada Lago Haysto
Hargeysa:24-March-2014(SDN)-Taliyihii Saldhigga Dhexe Hargeysa Maxamed Case, ayaa Xabsi Guri loo Diray kadib markii uu Dhawaan Saldhigaas Masuul Sare oo Dambi Culus Loo Haystay.
Saldhiga Dhexe ee Hargeysa ayaa uu dhawaan Ka Baxsaday Maayarkii Magaalada Xarshin ee Ethiopia oo la soo qabtay xilli uu Hub ku Aasay Deegaanadaas uu xukumo, waxana ay Taasi Keentay shaki badan oo Taliyaha dhinaciisa ah.
Maayarka Baxsaday ayaa la sheegay inuu Halkaas ku xidhnaa ugu yaraan Labaatan cisho, waxana la Ogaaday inuu ku baxsaday Qorshe Ballaadhan oo Hogaanka Sare ee Ciidanku wax ka ogaayeen.
Wararka Hoose ee aanu Helayno ayaa sheegaya in Taliye Cabdilaahi Fadal uu amar ku Bixiyey inuu Taliye Maxame Case Xabsi Guri ku jiro inta laga Dhamaystirayo Sababta keentay inuu Baxsado Eedaysanaha kiiskaas Loo Haystay.
Dhacdadan Taliyaha Saldhiga Dhexe loo haysto waxa kale oo iyana u xidhan sadex askari oo kale oo ahaa kuwii habeenkaas hayey masuuliyadda saldhiga Dhexe ee Hargeysa oo loo tirinayo in uu ka baxsaday Maayarka Xarshimeed.
Eedaymaha Booliiska loo jeedinayo iyo dhacdooyinka lala xidhiidhinayo eek u lug lahaanshaha Danbiyada Dalka ka dhaca ayaa soo kordhaya, waxaana ka mid ah Kiisaska wali taagan ee aanay Booliisku u xidhin Askartooda kii gabadha lagu dillay Hargeysa isla markaana lagu Aasay oo ay ehelada Marxuumadaasi Booliiska New Hargeysa dusha ka saareen in ay ka qayb qaateen ama ay ka caga jiideen wax ka qabashadeeda.
Kiis kale oo Nin Qurbajoog ah oo la yidhaa Bad-maax uu la xidhiidhiyey in ay qayb ka yihiin Madaxda Sare ee Booliiska, kiiskaas oo ah Dhul beer ah kaasoo khilaaf xoogan ka dhex abuuray wasiir ku-xigeenka Amniga ee wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Garsoorka, ilaa hadana cabashadiisu hor taalo guddida Cadaaladda.
Arrimahan Noocan oo kale ah ayaa inta badan loo aaneeyaa Aqoonta Ciidanka oo aan Dhisnayn oo ay u raacday Hoggaanka sare oo aan lahayn Khibraddii iyo aqoontii Boolisnimo ee Looga Baahnaa, maadaama Haatan Tirada Ciidanka iyo Tayadiisuba si weyn isu beddeshay oo loo Baahan Istaraatiijiyad cusub inn Loo sameeyo Booliska Somaliland.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com