Fadeexad ka dhalay Dhuxul AMISOM ay dalbatay in laga dhoofiyo Kismaayo
Kismaayo Oct 24,2012(SDN)-Taliyaha ciidamada AMISOM ee Kismaayo ayaa qaaday tilaabooyin uu dunida doonayay in uu ugu iibgeeyo Dhuxul ay ugu tageen dekedda Kismaayo kolkeey qabsadeen.
Brigadier Anthony Ngere oo ah taliyaha qeybta labaad ee AMISOM oo xarunteedu tahay Kismaayo isla markaana ah taliyaha ciidamada Kiinya ee galay Soomaaliya ayaa dalab qoraal ah oo uu u gudbiyay Qaramada Midoobay waxa uu ku codsaday in cunaqabateynta laga qaado dhuxusha Soomaaliya.
Dawlada Kiinya ayaa sheegtay in Brigadier Anthony Ngere aanu Kiinya ku metelin dalabkaas ee uu yahay askari ka tirsan ciidamada Africa ee AMISOM.
“Taliye Ngere waa askari AMISOM ka tirsan namana metelo,waxaanu doonayaa uun in uu wax ka qabto xaalada dekeda Kismaayo”ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay ciidamada Kiinya.
QM ayaa hore u mamnuucday iibka dhuxusha Soomaaliya oo ay si weyn uga faaiidi jireen kooxda xag jiriinta ee Al Shabaab.
Dekedda Kismaayo ayaa loogu tegay in ka badan 4 million oo joonyadood oo dhuxul ah.
Ciidamada huwanta iyo qaar ka mida ganacsatada dhuxusha ayaa doonaya in dunida loo iibgeeyo dhuxushan buux dhaafisay dekedda.
Sanadii 2011kii Shabaabka ayaa carabaha u iib geeyay in ka badan 10 million oo jawaan oo dhuxula oo ay ka heleen aduun ka badan $25 million oo dollar.
SDN-Kismaayo
contact@somalidiasporanews.com