Fadeexad ka Aloosan Boorama,Raashin ay Hay’ada Ilaalinta Tayadu Sheegtay inuu dhacay oo Maamulka G.Awdal Si Cad u diiday
Boorama 17.June 2014 (SDN/QJ)- -Gudi ka kooban 4 xubnood oo heer gobol iyo heer degmo isugu jira oo uu hor kacayay badhasaab ku xigeeenka gobolka Awdal ayaa maanta gaashaanka u daruuray hadalo deel-qaaf ah oo ka soo yeedhay hayada dhawrista tayada agabka ee Somaliland kuwaas oo dhawaan si hubsasho la’aan ah u dhaleeceeyay baabuur raashin kala duwan waday oo u rarnaa ganacsade wayn oo reer Boorama ah.
Gudidan oo maanta saxaafada u soo bandhigtay natiijadii ka soo baxday badhistaasi ayaa waxa ugu horayn halkaasi ka hadalay Gudoomiyaha gudidaas ahna badhasaab ku xigeenka Awdal Md. Cabdi Nuur Sugaal waxana uu yidhi “Waxa aan aad uga xumahay in hubsasho la’aan ay iska hadlaan masuuliyiinta hayada Dhawrista Tayada Agabka ee Somaliland, gudi baan ahayn la noo xil saaray arintaas, kadib markii aan baadhnay waxaan cadaynaynaa in aanu jirin wax raashin ah oo dhacay oo ku jira baabuurkaas, saxaafadana waan u ogolnahay inay tagto oo ay indhaha soo saarto in raashinkaasi saxsan yahay oo la isticmaali karo, waxana aan aad uga xunahay in ganacsadaha cashuur bixiyaha ah ee kaalinta 1aad kaga jira dadaalka iskaa wax u qabsada ah ee gobolka ka socda in la marmariyo ceeb aanu lahayn, waxana sidoo kale aan gafkaas ku cambaaraynaynaa hayada Dhawrista Tayada Agabka iyo masuuliyiinteedaba”
Xoghayaha Gobolka Awdal Asad Cabdi Jaamac oo isaguna ka hadalay halkaas, xubina ka ahaa gudidii loo xilsaaray baadhistan ayaa yidhi “Waxa aan la yaabay oo aan arkayay in saxaafada looga waramay waxa ku jiray baabuur raran oo aan la baadhin, waxaasi waa gaf, waanan ka raali galinaynaa ganacsadihii lagula kacay, waxana aan cadaynaynaa mar labaad iyo mar sedexaad in raashinkaasi saxsan yahay, sidoo kalena waxa aan cambaaraynaynaa cidii saxaafada ka hadashay ee been abuurkaasi samaysay, raashinkaasina waa mid sax ah oo la isticmaali karo taariikhdiisuna saxsan tahay, waxa ay ahayd in hadii aan nahay maamulkii gobolka ay nala soo xidhiidhaan hayada Komishanku inta aanay hadlin ka hor oo ay wax na ogaysiiyaan, taasina ma dhicin, waxana an sheegaynaa in sharafta ganacsiga iyo ganacsatada cashuurta bixisaba ay tahay mid sugan oo aanaan ogolaanaynin in lagu ciyaaro”
Qaar ka mid ah xeer beegtida dhaqanka oo iyaguna halkaasi ka hadashay ayaa u mahadnaqay gudida baadhida samaysay waxana ay xuseen in sharaftu ay tahay wax Eebe (SW) uu sugay loona baahan yahay in aan si dhayal ah loo weerarin, waxaa ay intan daba dhigeen raaligalin balaadhan oo ay u direen ganacsadaha fadeexada beenawday lala beegsaday iyaga oo dhinaca kalena masuuliyiinta uu hadalkan deel-qaafka ahi ka soo yeedhay ugu maahmaayay “Waran soo noqon doona waligaa lama tuuro” iyaga oo hadlkaasi ula jeeday been aan sal iyo raad lahayn inaanay haboonayn in la sheego.
Boorama SDN/QJ
contact@qurbejoog.com
contact@somalidiasporanews.com