Fadeexad Hor leh Isimadii Gobolka Sool oo Madaxtooyada Punt land ku Wargalisay inay ka Guuraan Huteelada iyo Sababta keentay!
Garowe 25.Aug 2014 (SDN/QJ)- Madaxtooyada Puntland ayaa ku wargalisay Issimada Sool ee todobaadyadii lasoo dhaafey deganaa hotelo ku yaala magaalada Garowe inay ka guuraan ka dib markii loo awoodi waayay bixinta kharashaadka ku baxaya kuwaas oo bedelkeeda lagu war galiyey inay guryo ka kireystaan xaafadaha magaalada.
Ilo ka agdhow Madaxtooyada Garowe ayaa sheegay in maalin ka hor looga yeerey Madaxtooyada xubno ay ka mid yihiin Garaad Saleebaan Garaad Maxamed, Ugaas Cabdulaahi Cali Ciise iyo Xubno kale oo dhowra islamarkaana sidaas looga sheegey Madaxtooyada.
Kharash-ka iyo Biilasha wafuuda ka timid Gobolka Sool ee ku sugan magaalo madaxda Puntland ee Garowe waxa laga bixinayay xarunta Madaxtooyada.
Wuxuuna kusoo beegmayaa amarka looga rarayo hotelada ee lagu dejinayo guryo kiro ah xilli la dareemayo dhaqaalo xumo ka jirta Puntland oo in badan oo ka mid ah dadku isku wareysteen.
Garowe SDN/QJ
contact@qurbejoog.com