Faalo: Golaha wada tashiga iyo toosinta qaranku waa talaabadii ugu horaysaty ee khuurada ka toosisay xukuumada haatan jirta
Golaha wadatashiga iyo toosinta qaranku wuxuu ka abuurmay xaalada guud ee dalku uu hada ku sugan yahay. Waxaanad moodaa in xaalada guud ee dalku marayso meel aan wanaagsanayn markaynu ka eegno dhinacyada siyaasada, arimaha bulshada, dhaqaalaha iyo xaalada amin ee dalkuba.
Xaada guud ee siyaasada somaliland ayaa umuuqda mid aad u baaxaadegaysa sanadahan ugu danbeeyay, waxaana muuqda xikmada yari dhinaca siyaasada ah oo la soo guboonaatay xukuumada talada dalka ahaysa. Hadaynu tu saale soo qaadano , xukuumada maanta jirta waxay bulshada u balanqaaday in ay dalka ku hagi doonto siyaasad ay sal u tahay tawlad tiro yar oo tayo wanaagsan, waxaadse moodaa in arintaasi ay meesha ka baxaday tirada tawladuna tahay mid aad u sal balaadhan , isla markaana saamayn wayn ku yeelatay fulintii hawlaha qaranka iyo waliba dhaqaalihii dalka. Waxaa muuqanaya muuqaal sheegaya in siyaasada arimaha gudaha ee dalku ay aad u cakirantahay, waxaana meesha ka baxay mabda ii guud ee dalku ku shaqayn lahaa waxaana bedelay nin jeclayse, qabyaaladii oo faraha kabaxday, musuqmaasaq aad u hadheeyay dhamaan laamaha dawlada iyo hayadihii dawlada ee isu dheeli tirnaa oo dhamaantood isugu biyo shubtay in ay xukuumada ka tirsan yihiin, dhamaantoodna si xeeladaysan loo hoos geeyay xukuumda dalka ka jirta .
Dhica siyaasada arimaha debeda markaynu u nimaadno , waxaa dhamaanba meesha ka baxay xidhiidhkii wanaagsanaa ee somaliland la hayd dawladaha caalamka, waxaa soo koobmaya oo soo oodmaya wadashaqayntii somaliland iyo hayadaha qaramada midoobay oo aad moodo inay xidhiidhkoodii u duween dhinaca dawalada kumeel gaadhka ah ee somalilaya .
Hadaynu tusaale u soo qaadano dawlada ingriisku waxay ahayd dawlada xidhiidh wanaagsan uu ka dhaxeeyo somaliland , taageerooyin iyo caawimo farabadana ka gaysata dhicaha arimaha bulshada somaliland, waxaa muuqata in arintaas uu hoos u dhac aad u wayni ku yimi markii xukuumada hada jirtaa hogaanka dalka qabatayba, waxaana sabab looga dhigi karaa shakhsigii loo magacaabay dhinaca arimaha dibeda oo ahaa shakhsi aan aqoon wanaagsan u lahayn shaqda loo dhiibay.
Hadaynu u nimaadno arinta wadahadalka somaliland iyo somalilaya waa fursada wanagaasan oo somaliland ku heli karto guulo waawayn oo dhinaca siyaasada ah, waxaase muuqata in cida somaliland metelaysaa aanay ahayn cidii meteli lahaynd, waayo arintu maaha arin xukuumadeed oo kaliya, waa arin saamayn wayn kule qofk kasta oo somalilander ah oo dunida ku nool, waana arin ay taladeedu ka go dhamaan qaybaha bulshda. Oo ay horkacayaan aqooyahan aqoon wanaagsan u leh taariikhada bulshadu.
Markii hadaba ay xukuumada haadan jirtaa kulansatay dhamaanba arimahaa aynu kor ku soo sheegnay, waxaa qasab ku noqotay waxgaradkii iyo indhihii umadu wax u arkayay inaanay sii eegan karin sida xaalku hada yahay, waxaanay kaliftay in ay golaha wada tashiga iyo toosinta qaranka ku samaysmo, markii ay arki kari waayeen xal kale oo muuqda oo umada lagu badbaadin karo, waana talaabadii ugu horaysaty ee khuurada ka toosisay xukuumada haatan jirta.
Sida hadaba dad badani fikirkooda ku cabireen qaybaha kala duwan ee saxaafada , golahani wuxuu u muuqdaa gole waxwayn ka bedeli kara nidaamaka siyaasadeed ee had dalka ka jira, hadii ay ku adkaystaan barnaamijka iyo qodobada muhiimka ah ee ay bulshda u soo gubiyeen
Cabdimatan jama gudhane
Manchester