|

Faallo: Xukuumaddu Miyey Ka Shakiday Cududda Mucaaridka Mise iyadaa Xoojinaysa?

Hargeysa:28-Nov-2013(SDN)-Xukuumaddan Haatan Caynkaanka u haysa Somaliland ee uu Gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamuud Siilaanyo, waxa Toddobaadyadii ugu dambeeyey ay la soo Baxday  Arrimo aan wali lagu arag oo aany ku dhaqmin Maamuladdi Somaliland iskaga dambeeyey.

dhoobayWaxa ay Xukuumaddu ugu horrayn  Maalinamadii Isntiintii Toddobaadkan Camaajulayn iyo  Jiid-jadasho badan kula kacday Hoggaanka sare ee xisbiga mucaaridka ah oo  soo dhaweynayey Guddoomiye Faysal Cali waraabe, waxana ay Diidday in hormoodka Ucid ay wax Gawaadhi ah la galaan Gudaha, iyadoo Saxaafadda Madaxa Bannaan-na amar ku siisay inaanay Guddoomiyaha ugu gelin Qolka Martida si uu Xog u siiyo.

Tallaabadaas   iyo Gardarradaas Qaawan ee xukuumadda oo ay kaw ka yihiin  wasaaradda Duulistu kula kaceen Xisbiga Uicd, ayaanay ka Aaamusin xisbigu waxana Cambaareeyey Musharaxa madaxweynaha Jamaal Cali Xuseen oo si adag u naqdiyey Daan-daansiga cusub ee Xukuumaddu ku hayso Mucaaridka.

Maamulka Madaarka ayaa isagu isku dayey inuu Sacabadda cadceedda  ku qariyo, waxana uu iska leexiyey eedda ah inay garoonka u diiday Madaxda Xisbiga Ucid, iyadoo wixii dhacayeyba ay Saxaafaddu Goob-joog ka  ahayd.

Shalay oo  uu waddanka dib ugu soo Noqonayey Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ahna Guddoomiyaha Golaha wakiillada Somaliland, waxa ay Xukuumaddu ku dhaqaaqday Tallaabo ka daran middii ay xisbiga Ucid ugu diiday iinay Garoonka Galaan, waxana ay ujeeddadii looga dan lahaa in lagu carqaladeeyo Hab-sami-u-socodka Soo Dhaweynta Guddoomiyuhu  Saamaysay Boqolaal Rakaab ah oo algu Khasbay inay Gaadiidkooda kaga Tagaan Kaantaroolka Ku yaalla Huteel Ambassador, taas oo dhibaato weyn ku noqotay Dad Rakaab ah oo qaarkood Bukaan ahaayeen, halka qaar kalena Ku dhibtoodeen sidii ay u qaadi lahaayeen Alaabooyinn culculus oo ay wateen.

Shacabka ayaa si aad ah ula fajacay Dhaqankan cusub ee xukuumaddu la soo baxday, iyagoo ku kala aragti duwanaa sidii ay u macnayn lahaayeen hannaankan lagu karbaashayo Dadka Shacabka ah ee aan waxba iyagu geysan,isla-markaana wixii ay xaqa u lahaayeen loo diidan yahay.

Boqolaal qof oo  shalay  udiyaar garoobay soo dhaweynta Guddoomiye Cirro, ayaa lagu qabtay Kantaroolka Huteel Ambassadir, waxana ay xukuumaddu meelo badan oo ka mid ah waddada ka timaadda Gegida diyaaradaha ee Cigaal ku daadisay Ciidan tiro badan oo aan la fahmin ujeeddada laga leeyahay, balse looga dan lahaa in Bulshada dareenkeeda lagu soo jeediyo oo loo Tuso in cidda imaysa ee la soo dhaweynayayaa ay  Halis ku tahay Nabadda iyo xasiloonida waddanka, sidaa Darteedna laga ilaalinayo nabadda inay Khalkhal geliyaan.

Shacabka ayaa iyagu tallaabadan xukuumaddu qaadday kaga jawaabay  soo Dhaweyn iyo inay ku sii dhiirradaan inay ku dhaqaaqaan muujinta taageerada mucaaridka iyo waliba Nacaybka ay u hayaan dhaqanka xukuumadda, waxana taas laga dhex arkayey Hannaankii ay dadweynuhu uga muraysnaayeen Waddooyinkii badnaa ee la xidhay Iyo ciidankii badnaa ee Meelaha kala duwan la dhigay shalay.

Haddaba xukuumaddan oo horena mucaarid u soo ahayd muddo aad u badan, ayaa haatan loo arkaa mid iyadu Gacanteeda isku Gawracaysa oo mucaaridkeeda gacanteeda ku xoojinaysa, waxana middaas ugu wacan Waayo Aragnimo la’aan iyo khibrad yari aanay haba yaraatee wax aqoon ah u lahayn Hannaanka loola dhaqmo mucaaridka ee looga soo jiito dadka.

Mucaaridka Somaliland ee Maanta ayaa iyagu ah qaar Nasiib wanaagsan leh, maadaama ay ku soo Beegan tay xukuumad taageerayaasheeda iska eryeysa oo u heellan abuuridda iyo diyaarinta Jawi Yooyootan oo ay isku weeraraan mucaaridkeeda mar walba, waxana ay inta badan isku Daydaa oo Mucaaridkeeda ka dhigtaa qaar waddanka ammaankiisa iyo Nabadgelyada Halis ku ah oo laga Ilaalinayo, taasina ma aha mid shacabka laga dhaadhin karo, maadaama shacabku yihiin qaar caqli iyo cilimiba u leh waxa waddanka ka dhacaya iyo sida ay xukuumaddu haatan wax u waddoba.

Guntii waxa la Odhan karaa Xukuumaddan Kulmiye kaliya waxa ay ku wanaagsan tahay inay wax Mucaariddo, islamarkaana ma laha Astaamihii Hoggaamineed ee qaranku u baahnaa, waxana ay kaliya ku Hawllan tahay inay jawaabta kaga horrayso mucaaridkeeda oo aanay Sinaba u Oggolaanin in cidi u  sheegto mucaaridkeeda, taas oo ahayd shaqadii mucaaridka loo sameeyey.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed