Faallo: Maxay Muujinaysaa Sababta uu Madaxweyne Siilaanyo Waaga ula Sugi Waayey Xeerka Waddooyinka.?
Hargeysa:25-Sep-2013(SDN)-Sida aynu la soconno, madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) waxa uu Isla habeenkii xalayba Qalinka ku duugay Xeerka Horumarinta waddooyinka oo ahaa xeerkii ugu muranka iyo hadal-haynta badnaa tan iyo intii xukuumaddiisu jirtey.
Xeerkan oo in muddo ah soo horyaallay Golaha wakiillada Somaliland, islamarkaana ansaxintiisa loo isticmaalay maaliyaddii shacabkani lahaa oo lagu laaluushay xildhibaanadii ka soo horjeestay, ayaa maalintii shalay cod aqlabiyad ah ku dhaafay Golaha wakiillada maadaama lagu rusheeyey lacagtii dadka masaakiinta iyo danyarta ah.
Haddaba markii la ogaaday in Golihii wakiillada ee laga filayey inay shacabka ka qaban lahaayeen dhibka lagu soo wado, ayaa waxa ay shacabka kaliya ka filayeen madaxweynihii ay codkooda ku keeneen inuu ka daayo xeerkan aan laga fiirsan ee bulshada dhiig-baxa ku ah, waxase dhacday mid ka daran tii Golah Wakiillada ka dhacday.
Madaxweyne Siilaanyo, ayaa isagu markii uu ogaaday inuu xeerkii soo dhaafay Golaha Wakiillada, islamarkaana waxa kaliya ee u hadhay ay tahay qalinkiisa kaliya, waxa uu Go’aansaday inaanay cadceedu uga soo bixin oo inta Habeenku isku jiro uu qalinka la tiigsado, si lacag qabashaduba ay Saakadan u bilaabanto.
Haddaba Ansaxintii muranka badnayd ee Golaha wakiillada ee markii dambe lagaga Gudbay isticmaalka lacagtii umadda ee uu haatanna saacado yar gudahood ka daba tegay saxeexii madaxweynuhu ayaa waxa ay caddaynaysaa arrimo markii hore dadka Hadal-hayn ku ahaa balse haatan sida qoraxda u caddaaday.
Ugu horrayn waxa markii la shaaciyey in Madaxweynihii xeerkii saxeexay shacabku si toos ah u rumaysteen inaanu madaxweynihii ay soo doorteen waddanka haba yaraatee wax talo ah ku lahayn oo koox kale la wareegtay.
Dhammaanaba Goobaha lagu caweeyo, meheradaha iyo meelaha kale ee Bulshadu ku kulanto, ayaa waxa dadku si aad ugu lafo-gurayeen sababta keentay in xeerkan madaxweynuhu sidas ula degdego, waxana ay intooda badani ku qanceen inaanu waxa caynkaas yeelayaa ahayn madaxweynihii ay codkooda ku doorteen, balse ay jirto awood kale oo aan cidna u tudhayn oo meesha sidii ay doonto ka yeelaysaa.
Shacabka ayaa wixii ka dambeeyey saxeexii xalay dhacay waxa ay rumaysteen in rag kale oo aan qaranka, shacabkan iyo madaxweynaha midna tudhaale u haynini ay awooddii madaxweynaha danahooda gaarka ah uga faa’iidaysanayaan oo ku fushanayaan wax kasta oo dantooda ah.
Sida Dawaldnimadu tahay, marka xeer-dejintu meel mariso xeerka sida kan oo kale bulshada dhexdeeda kala qaybsanaan ku keena, waxa uu madaxweynuhu ka fiirsadaa Go’aanka uu isaguna qaadanayo, maadaama uu arko in bulshadu wax dhibsanayso, kumana dedego inuu markiiba qalinka kula gariiro sida madaxweyne Siilaanyo xalay laga soo sheegay, balse arrintani waxa iska cad inaanay ka iman madaxweyne ee ay ka timi cid kale.
Madaxweyne siilaanyo Haddii uu Ogaan lahaa dhibta uu xeerkani ku keenay Bulshadii uu masuulka ka ahaa iyo sida ay uga muraysan yihiin, waxa caqliga fayoobi ku siinayaa inaanu saxeex sidan oo kale ah marnaba sameeyeen, balse waxa iska dhacday in kooxdii markii horeba la sheegi jirey ay xalayna ka fogaysay Telefishanadii iyo meelihii kale ee madaxweynuhu kala socdo dareenka shacabka waxana ay kaliya daawasiiyeen Tv-ga qaranka oo Odayaal sacabinayaa ku jiraan.
Go’aankan habeenkii xalay madaxtooyada ka soo baxay, ayaa waxa uu meesha ka saaray shakigii laga qabay talada madaxweynaha oo uu ka dhigay wax cad oo jira, waxana la isku wada raacay in dalka cid kale iska maamusho oo ku danaysato magaca iyo saxeexa madaxweynaha, taas oo markii hore kaliya laga maqli jirey kooxaha mucaaradka ah, balse imika wixii ka dambeeya loo shacabku ka sinnaan doonaan.
Kooxdan ka faa’iidaysata awoodda madaxweynaha ayaa waxa ugu horreeya Wasiir xirsi oo isagu xeerkan gacantiisa ku sameeyey, islamarkaana si gaar ah oo bilaa xisaab ah u maamuli doona inta uu joogo xafiiskiisa, waxana weheliya kooxo kale oo makasto ah oo aan ka fikiraynin danna ka lahayn sharafta iyo karaamada madaxweynaha ee dhulka la jiidayo.
Sidoo kale Marwada madaxweynaha oo kooxdan ku jirta ayaan iyadu dan ka lahayn hannaanka aan habboonayn ee loo adeegsanayo awooddii madaxweynaha iyo karaamadiisii, kamana fikirayso dhaawaca habeenkiii walba loo geysanaya karaamadii iyo milgihii uu shacabka ku dhex lahaa.
Guntii iyo Gebagebadii waxa maanta si cad loo daliishaday in dalka ay ka taliyaan koox Budhcad ah oo wax-mareebayaala ah oo aan magaca madaxweynaha dhawreyn, danta shacabkana marnaba eegayn, waxana Haatan kaliya taladu ku hadhay gacmaha shacabka maadaama ay ogaadeen in madaxweynahoodii kaliya magaciisa koox meelo kale ka yimi ku shaqaysanayaan oo iyaga ku karbaashayaan.
SDN
Axmed Cumar Axmed
Hargeysa\somaliland
Contact@somalidiasporanews.com