|

Faallo: Arooskeed ka Mashxaraddo Lama Ammaaneyn!

Hargeysa Oct 21,2012(SDN/Hubaal)Golaha Wasiirrada ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku yeeshay fadhi horraantii bishan uu Guddoominayey Madaxweyne Axmad Maxamad Maxamuud (Siilaanyo) uu si xidhiidh ah uga socday halkaa muddo saddex maalmood ah, kaasoo ay Goluhu ku sheegeen inay ku qiimeynayaan waxqabadkii Xukuumaddooda, iyagoo muddadii ay xilka soo haysay haatan ay kala badhkii marayaan waqtigii shanta sanno ee loo doortay inay ku hagaan dalka sidii ay ugaadhi lahaayeen bar-tilmnaameedka uu Qaranku hiigsanayo.

Saddexdaa maalmood waxa ay Xukuumaddu mashquul iskaga dhigtay inay iyagu isku qiimeeyaan wixii ay soo qabteen, waxayna tallaabadan u arkeen bulshada badankoodu in Xukuumaddu haatan ku baraarugtay qaladaadkeedii faraha badnaa ee ka dhacay muddadii ay xilka soo hayeen.

Sidaa darteed, marka uu Madaxweynuhu ka dhegeysto Wasiirradiisa wixii warbixinno ah ee ku lug leh waxqabad iyo dib-u-dhacba uu kadibna, inta uu qiimeyn ku sameeyo uu intii kasoo bixi weyday xilkoodana odhan doono, “Duco Qabayaal Xilku Waa Meerto,” kuwa kale ee kasoo baxayna u mahad celin doono kuna odhanaayo, “Guuleystayaal Geeddiga Halkaa ka sii Wada.”

Haddaba, labadaa arrimood iyo wax kale oo u dhaw toona oo ay ka filayeen dadku kama ay soo bixin, balse waxa kasoo yeedhay gebagebadii shirkoodii saddexda cisho ee xidhiidhka ahaa u socday, natiijo la mid ah waxyaabihii aynu soo marnay ee duuduubka lagu ansixinayey oo kale, kadib markay sheegteen inay ballanqaadyadoodii lagu soo doortay, ay boqolkiiba toddobaatan fuliyeen Xukuumad ahaan.

Natiijadaa markay maqleen dadweynaha reer Somaliland, waxa ay xaqiiqo ahaan intooda badan ee uu damiirku u fayaw yahay ku noqotay af kala qaad iyo anfariir, waxayna falanqeyn iyo doodo maalmo uga dhex socday meelaha lagu kulmo kadib, ku soo ururiyeen natiijadoodii inay ka dhigan tahay sidii Arday lagu yidhi, “idinku imtixaanka iska soo qaada, iskuna saxa ama sidii Arooasaddii kelideed ka dhex mashxaradda Arooskeedii.”

Waxyaabaha ay dadku sidaa ugu nisbeeyeen labadaa arrimood iyo kuwa kale oo la mid ah, kow ka ah, kadib markay wax tafaasiil ah oo dheeraad ah oo raacsiisan duuduubka natiijadoodii guul 70% mooyee aanay soo bandhigin qaabkii ay ku fuliyeen oo shaxaysan, taasoo macquul noqon lahayd in markaa bulshaduna dhankooda wax kala saxaan, maadaama waxqabadka laga hadlayaa yahay mid bulshada u gaadhaya si toos ah ama si dadban oo ay kala og yihiin wax kasta oo fulay ama aan fulin oo ka mid ah ballanqaadyadoodii.

Bal haddaba haddaan wax yar ka iftiimino waxyaabihii ugu mudnaa ee Xisbal Xaakinka ay bulshadu ku soo doorteen, waxa ka mid ahaa Ilaalinta Hantida Qaranka iyo ta Ummadda, gaar ahaana hantida ma guurtada ah sida Guryaha Dawladda.

Haddaba waqtigaa Madaxweynaha haatan ee dalku Mudane Axmed Siilaanyo waxa uu shiishka si fiican u saaray guryihii Dawladda ee Gumeysigii u dhisay shaqaalihiisii ka hawlgeliyey Hargeysa oo xataa rajiimkii Siyaad Barre ka xarragoodeen iyo kuwii ka horreeyeyba inay hungureeyaan, balse ay ku dhiirradeen Rayaale iyo Maamulkiisii inay qaar  sii xaraashayaan, taasoo runtii bulshaduna aad ugu qushuuceen qeylo dhaantii Siilaanyo oo mucaarid ahaa.

Sidaa awgeed, waxay arrintani ka mid ahayd qodobadii sida xoogga leh loogu taageeray, kadib markuu ku dhawaaqay Mudane Siilaanyo in ciddii iibsataa aanay hadhaw wax magdhaw ah heli doonin xukuumaddi timaada, marka lagala wareego hantida Qaranka ee uu sifaha aan sharciga waafaqsaneyn ku iibsaday shakhsigaasi. Kuu doono ha noqdee.

Haddaba, qiimeyn haddaynu ku sameyno Xukuumadda Siilaanyo hoggaamiyo qodobkan, ma uga reysay, mise way uga sii dartay? Waxay ila tahay in cid kasta oo dalka joogtaa ogtahay inay uga dartay, waayo waqtigii Rayaale waxa ay ku ekeyd Hargeysa, maantana ilaa Berbera ayey guryo Dawladeed xaraashkii hoosta layskaga iibinayey u caam yeeleen oo maanta ay shacabkii Berbera uga qeylinayaan sidii Hargeysa si ka darran ee bal bulshow u qiimeeya Qodobkaa.

Qodobka labaad ee soo jiitay cod bixiyayaasha waqtigii uu ololaha doorashada ku jiray Xisbal Xaakinka talada dalka hayaa, waxa ay ahayd markii uu ku dhawaaqay Mudane Siilaanyo oo waqtigaa mucaarid adag oo xooggan ahaa, in haddii uu xilka dalka qabto aan lacagta kasoo baxda Dekedda Berbera oo shandad lagu sido loogu keeni doonin Madaxtooyada, balse uu Dakhligeedu ka mid noqon doono kuwa ka muuqda dakhliga Miisaaniyad Sannadeedka ee Wasaaradda Maaliyadda, taasina ma fulin oo waa halkeedii iyo sideedii, waxana laga xukumaa weli Madxtooyada ee bal tana bulshow u qiimee.

Qodobka saddexaad ee uu aad ah xoogga u saari jiray Xisbal Xaakinka KULMIYE waqtigii uu mucaaridka ahaa kuna helay taageerada baaxadda leh ee uu kusoo baxay waxa ka mid ahayd, in hoggaamiye Axmad Siilaanyo uu dhawr jeer ka sheegay fagaarayaal in haddii ay qabtaan xilka dalka aanay xidhxidhi doonin Suxufiyiinta iyo Hay’adahooda midna, sidoo kalena aanay shuruuc xakamaynaysa xorriyatul qawlka iyo xorriyadda Saxaafadda soo sameyn doonin si loogu beddelo xeerka saxaafadda ee jira.

Tallaabo sax ah oo lagu diirsaday bay ahayde, maxaa ka dembeeyey? Waxa ka dembeeyey in xabsiga la dhigo Suxufiyiintii ugu tirada badnaa tan iyo intii Somaliland jirtay, waxayna ku abtirsataa Xukuumaddani Rikoodhka xadhigga ee Suxufiyiinta jebisay, kadib markay 22 Suxufi isku maalin qudha wada xidhay, kuwaasoo 6 (lix) ka mid ahi ahaayeen gabdho, siday yidhaahdaana waa markii ugu horreysay ee gabdho Suxufiyiin ahi xabsi dhex seexdaan tani oo ah hal tusaale oo qudha ee bal haddaba qiimeeyoo ballanqaadayada waxqabadkoodii ma boqolkiiba 70% baa mise waa ka jar [ -]70% , taasina waa taa oo jawaabtu idinkay idiin taallaa.

Waxa weliba intaa sii dheer oo ka dhigaysa ka jar 100%, kadib markay Xukuummaddu si mustafeysan Golaha Wakiillada u marsiisay Xeerka NSS-ta, kaasoo Qodob ka mid ah qodobada xeerkaa oo qeexaya, in Saxaafadda Borobagaandha fidisa ama qorta hadallo wax u dhimaya haybada iyo karaamada Madaxda Qaranka ay tahay wax ka qabashadeedu mid NSS-tu leedahay. BAL ADBA.! Horta ma is-gayaan Saxaafad iyo nabad-sugid, weliba dal ku faana kobcin iyo  dhismo Dimoqraadiyadeed. Tolow Wasaaradda Warfaafintana ma qabanayaa sharcigani? Ma ballanqaadkii ahaa Warbaahinta Dawladda ee Idaacadda iyo TV-ga Boodh (Board) ka taliya oo madaxbannaan ayaan u dhiibi doonaa haddaanu ku guuleysano doorashada oo aad codkiina na siisaan, baa la inoogu beddelay in la abuuro NSS la mid ah tii Afweyne ee godka ku ridi jirtay, xataa weriyaha carrab jallanqada yar leh ee hadduu laba eray oo laysku khaldi karo  ku dhawaaqo dhab la siin jiray  oo kale ayaa shacbiga loogu beddelay, si loo cabudhiyo.

Hore ayaan u sheegay inaan hal faallo lagu soo koobi karin mahadhooyinka ku suntan Xukuumaddan balse kuwa inoo dhiman ay ka mid yihiin Siyaasadaha Maamul ee Arrimaha Dibedda, Arrimaha Gudaha, Caddaaladda iyo saami-qeybsiga, Caafimadka, Waxbarashada, Kobcinta wax-soo-saarka sida Beeraha, Xoolaha, Beeyada, Kalluumeysiga, Macaadinta iyo Shidaalka iyo kuwa kale oo badan. Inshaa Allaah  waxan ku qaadaa dhigi doonaa qormooyin dembe, kadibna ballanqaadyadii lagu soo doortay Xisbal xaakinku halkaa ayuu kasoo bixi doonaa.

 

Lasoco Cadadka  Berri iyo Qormada Labaad ee Weedhan

Xigasho: Wargeyska Hubaal oo Ka Soo Baxa Hargeysa, Somaliland

Hubaal100@gmail.com

Hubaal100@hotmail.com

Hubaal100@yahoo.com

 

Comments are closed