Faalladda Webka: Gegidii Diyaaradaha ee $5ooo,ooo. ee Doollar Ku Baxday Oo Wali Xidhan iyo Madaxda Garoonka oo isku dayaya Inay Gojaaxo Geel Gunti Ku Qariyaan.
Hargeysa:28-Aug-2013(SDN)-Hayaanka iyo Geeddiga Somaliland ugu jirto inay wax qabsato oo Gaadho Dunida kale, islamarkaana ka soo kabsato riiqdii iyo rafaadkii kululaa ee ay ku reebeen Dagaaladii qadhaadhaa ee ay la gashay kaligii taliyihii Siyaad Barre, waa wax Maanka kaga jira qof kasta oo Reer Somaliland ah.
Tan iyo intii xukuumadda Kulmiye ee uu Hogaamiyo Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ay xukunka qabatayn oo haatan kor u dhaaftay muddo saddex sanadood ahna mashruucii ugu ballaadhnaa ee laga filayey inay hir geliso waxa uu ahaa Garoonka Diyaaraha ee Cigaal International Airporta, kaas oo Bishan haatan Gebagebada ah horaanteedii uu madaxweynuhu maqaska u qaatay bulshadana loo sheegay inuu dhamaaday.
Garoonka Cigaal International Airport oo Halbawle u ah dhaqaalaha Somaliland, islamrkaana la rajaynayey inay ka soo degaan dadkii ugu badnaa xilligan ee qurbaha ka imanayey, ayaa wali xidhan oo aan wax shaqo ahi geb ahaanba ka soconin.
Muddada garoonku socday oo aad u dheerayd iyo lacagta ku baxday oo xaddigeedu farabadnaa, ayaa indhaha caalamka iyo kuwa dadweynaha Somaliland-ba ku soo jeediyey inay arkaan dhaqdhaqaaqa laga bilaabi doono garoonka maadaama lagu dhawaaqay inuu furmay oo waliba wasiirka ku magacaabani akfiisa madxweynaha hortiisa kaga dhawaaqay inay garoonka nooc kasto oo diyaarado ahi ka so degi karaan.
Haddaba maalintii madaxweynuhu xadhiga ka jaray Garoonka iyo maanta oo aynu joogno wax aka soo wareegay muddo ku siman Sagaal iyo toban(19) cisho, walina wax duulimaad ah oo rasmi ahi kama uu hirgelin gedida Cigaal oo Dad badani ku hanweynaayeen inuu si rasmi ah shaqada u bilaabi doono.
Sida uu sheegay wasiirka wasaaradda Duulisa Hawada iyo Gaadiidka cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, Garoonka waxa dhismihiisa loo qoondeeyey lacag gaadhaysa ilaa Shan million oo Doolar($5000,000), walina goobta kama muuqato shaqo u dhiganta shantii milyan oo garoonka laga qabtay.
Isla Toddobaadkii uu Madaxweynuhu xadhiga ka jarayba waxa garoonka yimi khubaro iyo Pilot-do ku talax tegay hannaanka iyo duulimaadyada kala duwan ee Dayuuradaha gaar ahaan kuwa waaweyn oo bulshadu u harraaddan tahay inay ka soo degaan garoonka Hargeysa, waxana ay wasiirka markiiba u sheegeen qaabka uu garoonku u shaqayn karo iyo diyaaradaha ka soo degi karo.
Khubarada ayaa sheegay inaanay haba yaraatee Dayuuraha waaweyn ee hore uga soo degi jirey garoonka Berbera aanay ka soo degi Karin garoonka Cigaal, qabyo badan oo garoonka ka jirta awgeed, iyagoo wasiirkana u sheegay inay dayuuradaahasi iman karaan kaliya marka ay soo dhimaan rakaabka ay sidaan iyo waliba shidaalka ay isticmaalayaan ee kaydka ah oo ay soo yareeyaan, taasina waxa ay laf dhuun gashay iy dhabanno hays ku noqotay shirkadda diyaaradahoodu muddada badan sugayeen garoonkan.
Masuuliyiinta Garoonka Cigaal International Airport oo uu ugu horreeyo wasiirku, ayaa ay arrintu jig ku tahay, waxana ay dalka u soo jiideen sumcad xumo iyo astaan musuqmaasuq oo aan la qarin Karin, walina shacabka iyo xukuumadda inteeda kale midna ma ay siinin jawaab ay ku qancaa, waxana ay haatan ka fikirayaan wixii ay dadka u sheegi lahaayeen iyo albaabkii ay ka bixi lahaayeen.
Masuuliyiinta wasaaraddu markii ay arkeen inay indhaha bulshadu ku soo maqan yihiin waxa ay bilaabeen inay Garoonka keenaan inay maalintii shalay garoonka keenaan diyaarad aad u yar oo wax ka yar 40-rakaab ah qaadda, iyagoo u yeedhay warbaahinta afka xukuumadda ku hadasha, islamarkaana shacabka masaakiinta ah ee ay hantidoodii lunsadeen kula soo dhiirradeen inay yidhaahdaan waanagaa diyaaradihii bilownay.
Xataa diyaaradda yar ee garoonka ay keeneen ma ay ahayn kuwii ay lahaayeen shirkadaha Muwaadiniinta ah ee muddada dheer u caddibnaa dhismaha garoonka, waxana iska lahayd shirkad aan hore dalka duulimaadyo ugu iman.
Dhinaca kale masuuliyiinta wasaaradda Duulista hawada ayaa geed dheer iyo mid gaabanba ufuulay iinaanay warbaahinta madaxa bannaani Ogaan xaqiiqooyinka dhabta ah ee ka jira garoonka, iyagoo isku qanciyey inay ceebtoodu ku qarsoomi doonto garoonka dhexdiisa.
Guud ahaanba shacabka reer Somaliland, gaar ahaanna kuwa ku nool caasimadda oo uu dhib weyn ku hayey ka soo degitaanka Gegida caalamiga ah ee Berbera, maadaama oo waddada labada magaalo u dhaxaysaa ay dad badani ku dhinteen, ayaa haatan quus ka taagan warkii uu wasiirka duulistu Madaxweynaha ugu sheegay inuu garoonku dhamaaday, waxana ay haatan ka dhursugayaan jawaabta uu madaxweyne siilaano ka qaadan doono sumcad xumida uu wasiirkiisa Duulistu u soo hooyey qarankan curdinka ah ee u baahan in bulshada caalamku gacan qabato.
Wasiirka oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, ayaa la sheegayaa inuu halkaas wada hadal kula soo gelayo shirkado garoonka dhismihiisa wax ka bedella, maadaama oo uu sidii la moodayey noqon waayey, walina waxa aan la fahmin meesha uu wasiirku ka keenayo lacagaha garoonka dib loogu habaynayo, mar haddii lacagtii six un loo maamulay.
Gebagebadii Masuuliyiinta Garoonka Diyaaradaha Cigaal International Airport oo aan jeclayn in la xoqo boogahooda musuqmaasuq iyo kuwa maamul-xumo ee Barriinsaday, ayaa caqligoodu siiyey inaanay cidi ogaan Karin hawlaha ay hoosta ka wadaan, si Hantida umadda iyo karaamadeedaba god madow loogu rido, waxase aanu leenahahy “Gojaaxo Geel wax Gunti lagu qariyo ka weyn.”
Somalidiasporanews.com
Contact@somalidiasporanews.com