Faallada Webka:Saleebaan iyo Cabdiwaraabe Gar Dambe Ma Lagu Aamini Doonaa?
Hargeysa:June,08,2014(SDN/QJ)-Waxa Maalintii shalay la soo gunaanaday Murankii dhexyaallay Garabyadii labada ahaa ee u kala jabay Xisbiga Kulmiye, waxana Go’aanada lagu kala furdaamiyey oo saareen Xubno Guurtida ka tirsani noqdeen wax lama filaan ah oo ka fog caddaaladda iyo Dhexdhexaadnimada.
Xubnaha Guurtida ee Arrinta gacanta ku hayey waxa gadhwadeen u ahaa oo hoggaaminayey Saleebaan Maxamuud Aadan oo Guddoomiyaha Guurtida ah iyo Xaaji Cabdi xuseen oo ah oday Somaliland si weyn looga qaddiriyo meelo badan oo halis ahna dalka kala soo dabaashay.
Odayaashan ayaa arrinta ku soo afjaray qoddobo aan ka dhaadhi Karin cid kasta oo doonaysay in khilaafka xididdada loo sooro, waxana ay ku dhawaaqeen Qoddobo u muuqda inay Milal Guudkii dhayayaan oo aanay xaqiiqada halkeedii ugu tegin, isla-markaana u xagliyeen Garabkii xukuumadda ee markii horeba Boobka iyo shari-jabinta loo tirinayey.
Oday Saleebaan iyo Xaaji Cabdiwaraabe, waxay Mar kale galeen Taariikdha Somaliland oo waxay Ra’yi ahaan Damiyeen warkii xumaa ee dibadda u baxyey ee ahaa in kulmiye is Haysto Somaliland-na halis ugu jirto burbur, balse dhanka kale taariikhdu waxay ka qortay kuna dartay Bogga dadka garta eexada ah ka naqa arrin la isku Haysto oo natiijadiisu ku xidhan tahay masiirka umadda.
Waxay noqdeen odayaal gartii loo dhiibay ka eegay kaliya dhinac qudha oo deedafeeyey xaqii ay dhinaca kale lahaayeen, waxana dhammaan qoddobada ay soo saareen noqdeen qaar hal dhinac dani ugu jirto oo wada ah Dooddii ay garabka madaxweynuhu markii horeba ku doodayeen.
Waxay sharci ka dhigeen Dhammaanba qoraaladii Guddida Shirweynaha xisbiga gacanta ku haysay oo ahayd halkii sartu ka qudhuntay ee khilaafku ka Bilaabmay oo ay garabka muuse ka biyo diideen, waxayna ku gabadeen iyagoo muujinaya inay Qodob garabka Muuse u dan ah soo saareen inay sheegeen inuu muuse Tartami karo, taasina macno ma ay samaynaynin oo horeba siilaanyo waakii u sheegay inuu diyaar u yahay in lala tartamo.
Ma ay soo saarin hal qodob oo Guddoomiye Muuse Biixi iyo garabkiisa ay ka muuqdaan wixii ay ku gartamayeen, waxase ay muujiyeen inuu madaxweynuhu mudan yahay in tiisa loo dhegaysto, iyadoo arrintaasna uu xaaji cabdi waraabe si cadu sheegay in marka sidan oo kale ay dhacdo loo baahan yahay in madaxweynaha dhankiisa loo ciiro, hadalkaasina waxa uu reebay Qadaf, tiiraanyo iyo Godob Kooxdan dhexdhexaadinta gashay Loogu qoray Buugga dadka waxgaradka La bido, balse natiijo eexi ku jirto soo saara.
Saleebaan Maxamuud Aadan oo haatan ah oday in badan Somaliland Halgan kala duwan la soo maray, ayaa ku Khaatumo xumaystay inuu si fiican oo caddaaladi ku dheehan tahay u kala saaro labada dhinac, waxana uu xambaaray Godob iyo eex uu u galay madaxweynaha Haatan talada Dalka Haya, waxana taasi noqotay mid shacabku liqi kari waayaan, maadaama aanay hore u dhicin Somaliland in sida oo kale gar loo qaadaa.
Oday cabdiwaraabe, isaga waxa la sheegaa inay si gaar ah colaad aan sababteeda la aqoonini u dhex taallo Guddoomiye Muuse Biixi cabdi, waxana uu in badan hore ugu sheegay Muuse inuu dalka rabash ka wado gaar ahaan xilligii uu Madadaxweyne Rayaale dalka Hoggaaminayey waxa Yooyootanka iyo muranka Muuse iyo cabdiwaraabe uu gaadhay meel halis ah oo aan waxba la isula hadhin, sidaas oo ay tahay Maanta Muuse kama uu filayn inuu dhinaciisa wax raaciyo, balse waxa uu filayey inuu haba yaraatee wax uu ka dhegaysan doono dooddiisa, maadaama uu yahay oday sumcad badan ku leh qaranka, taasina waxay noqotay Hal Bacaad lagu lisay oo Xaajigu waxa uu si muuqata o oaf iyo addinba ah ula saftay Madaxweynaha iyo kooxdiisa.
Shacabka reer Somaliland oo arrintan si weyn ula socday iyagu mabda’ ahaan way soo dhaweyeen in arrinta la soo afjaro, balse ma ay liqin sida wax loo dhameeyey oo waxa af kala-qaad ku noqotay in la yidhaahdo muuse Geligii ka Aqbalo waxa kooxda kale wadato, iyadoo aan isaga wax tixgelin ah la siinin, waxana ay muujiyeen in Guurtidu caddaysatay inay madaxtooyadu mudan tahay in loo hoggaansamo rabitaanadeeda.
Waxa laakiin ay shacabku is weydiinayaan sababta keenaysa inay odyaashani iska xumeeyaan Taariikhdooda iyoKhaatumodooda oo garta eexada ah u naqayaan, maadaama ay hore ugu ballan qaadeen inay dhexdhexaad noqon doonaan.
Gebagebadii su’aasha taalla ayaa ah Maanta la arag ee la berey waxa ay Somaliland ka tari karaan saleebaaan Gaal iyo Xaaji cabdiwaraaebe’e Suurtagal ma Tahay in Cid dambe labadan Oday iyo kuwa la socdaba ku Aaminto gar natiijo laga rabo inay u dhiibto?
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com