|

Faahfaahinta Weerarkii Diyaaradaha Maraykanku Ku Qaadeen Gudaha Somalia Iyo Jawaabta Wasaaradda Arrimaha Dibadda

Washington:Dec,30,2014(SDN/QJ)-Xukuumadda Dalka Maraykanka, ayaa qiratay inay Diyaaradaheedu weerar ku qaadeen Gudaha Dalka Somalia oo lagu tuhunsan yahay Hoggaamiyayaal sarsare oo ka tirsan Xoogagga Al-shabaab.

duqaynWasaaradda Difaaca Maraykanka, ayaa arrintan qiratay inay dhacday Shalay Isniintii, waxana ay intaas ku dareen in Badhtilmaameedku ahaa Saraashiil Al-shabaab ka Tirsan oo aan si gaar ah loo magacaabin.

Weerarkan, ayaa waxa uu ka dhacay Deegaanka Saakow oo laga Maqlay Hugunka Hubkii cuslaa ee diyaaraduhu ridayeen, balse waxa kooban waxyeellada halkaas ka dhacday.

Afhayeen ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhiga dalka Maraykanka oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa sheegay inay ilaa hadda qiimaynayaan khasaaraha halkaas ka dhashay ama cidda wax ku noqotay.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sidoo kale sheegtay inay qiimaynayaan natiijada hawl-galkan, isla markaana ay bixin doonaan macluumaad intan ka badan wakhtiga ugu munaasibsan.

Maraykanka ayaa Duqayntii  middan ka Horraysay ee ay ku qaadaan Somalia waxa ay horraantii Bishii May ee Sanadkan ku dileen Hoggaamiyihii Al-shabaab Axmed Cabdi Godane, waxana xigay midkan cusub ee Shalay La Qaaday.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed