|

Faahfaahinta qarax ka dhacay inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye

Muqdisho. 14 October, 2022. (QJ)- Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax xooggan oo maanta ka dhacay wadada dheer ee xidhiidhisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, iyadoo qaraxa uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Sida wararku sheegayaan, qaraxa oo ahaa Miino wadada dhineceeda la galiyay ayaa qabsatay gaadhi Caasi ama Homey ah, waxaana saarnaa dad shacab ah , iyadoo qaraxa uu gaadhiga qabsaday isagoo marayay deegaanka Xaawa Cabdi.

Wararka hordhaca ah ee la helayo waxey sheegayaan inuu jiro khasaare xooggan oo ka dhashay qaraxan oo gaadhay dadkii shacabka ahaa, iyadoo ciidamadda amaanka ay u gurmadeen dadkii dhaawacyada ahaa oo loo soo qaaday magaalada Muqdisho.

Lama oga in qaraxa lala damacsanaa gaadhiga uu qabsaday iyo inuu bartilmaameedka meel kale ahaa, iyadoo wadadaas ay inta badan isticmaalaan ciidamadda dowladda, waxaana amnigeeda ilaalo ka haya ciidamadda Haramcad oo fariisimo waaweyn halkaas ku leh.

Comments are closed