Faahfaahinta Dhul-gariir Xalay Hurdada u Diiday Shacabka Reer Wajaale
Wajale:Nov,24,2014(SDN/QJ)-Shacabka ku dhaqan deegaanka Wajaale ee xuduudda somaliland iyo Ehtiopia, ayaa xalay Fiidkii hore dareemay dhul-gariir dhaqaaq ku sameeyey Guryaha Halkaas ku yaalla.
Sida ay dadka deegaankaas ku sugani sheegeen, waxa uu dhul-gariirkani ahaa mid si weyn loo dareemay oo dadka geliyey shaki iyo baqdin, balse lama soo sheegin wax khasaare ah oo uu geystay.
Markii ay dhul-gariirkan dareemeen inay dadku bilaabeen inay Hoygooda dibada uga soo baxaan, waxana ay muddo daqiiqado ah ku sugnaayeen wajahadaha iyo Goobaha Bannaan ee Dibadda ka ah Guryaha ay deggen yihiin si ay uga Badbaadaan Khasaare kale oo Yimaadda.
Dhul-gariirkan oo warka kasoo baxay Kooban yahay, waxa waxa laga dareemay Deegaanada ku dhaw Wajaale, balse ma jirto cid masuuliyiin ah oo wali faahfaahin ka Bixisay.
Deegaanka wajaale ayaan caan ku ahayn dhul-gariirka, waxana meesha kaliya ee Gudaha somaliland dhul-gariirka laga dareemi jirey ay ahayd Degmada Boorama oo marar badan lagu arkay Gariir inkasta oo aanu khasaare Nafeed Keenin.
SDN/QJ